Taliyihii Ciidanka Kenya oo ku geeriyoodey shil diyaaradeed

Image
Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa xaqiijiyey geeriida sarkaalkan iyo sagaal xubnood kale.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa xaqiijiyey in Taliyihii guud ee Ciidamadda dalkaas General Francis Ogolla uu kamid yahay sagaal ruux kale kuwaas oo saarnaa diyaarad helicopter ah kuna burburtay Galbeedka waddankaas.

Ruto oo warbaahinta kula hadlay Aqalka Madaxtooyadd ee magaaladda caasimada ah ee Nairobi ayaa waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan ehelka iyo asxaabta sarkaalka geeriyoodey.

"Maanta abaare saacaddu markii ay ahayd 2:20pm qarankeena waxa uu la kulmay shil diyaaradeed oo naxdin leh, waxaana aad uga xumahay geerida Taliye General Francis Ogolla," ayuu Ruto u sheegay warfidiyeenka.

Ogolla ayaa waxa uu xilka taliyaha guud ee ciidamadda Kenya uu haayay muddo dhowr sano ah isaga oo sidoo kale horey usoo noqdey Taliyaha Ciidamadda Cirka ee Kenya.

Dhanka kale, Ruto ayaa isugu yeeray Golaha Amniga Qaranka (NSC) oo kulan deg deg ah ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Nairobi, kadib markii ay burburtay diyaaradda galabnimadii Khamiista maanta ah.

Diyaaradda KDF, oo uu la socday Taliyaha Ciidamada Difaaca General Francis Ogolla, ayaa ku dhacdey xadka Kaben-Cheptulel ee u dhexeeya Elgeyo Marakwet iyo kowntiga Galbeedka Pokot.

General Ogolla waxa kale oo uu xubin ka ahaa Golaha Amniga Qaranka, oo ay ka sii kooban Madaxweyne Ruto, Madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua, Xoghayaha Golaha Wasiirrada Difaaca Aden Ducaale iyo sidoo kale dhiggiisa Arrimaha Gudaha Prof. Kithure Kindiki.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM