Tanzania oo goobaysa dad faafiyay "inuu dhintay" mas'uul nool

Image
Madaxweyne ku xigeenka dalkaas, Philip Mpango, ayaa sababo caafimaad muddo uga maqnaa shaashadaha warbaahinta.

NAIROBI, Kenya - Mas'uuliyiinta Tansaaniya ayaa baaraya dadka isticmaala baraha bulshada ee lagu eedeeyay in ay faafiyeen xog been ah oo ku saabsan caafimaadka madaxweyne ku xigeenka dalkaas, Philip Mpango.

Mr Mpango ayaa dib u soo muuqdey Axadii ka dib markii uu ka maqnaa indhaha dadweynaha in ka badan bil, taasoo soo afjartey xanta baahdey oo ku saabsan dhintay.

Wasiirka warfaafinta waddankaas, Nape Nnauye, ayaa waxa uu amar ku bixiyay in baaritaanno lagu sameeyo dadka faafiyay wararka la isla dhexmarayo.

Mr Mpango oo kasoo muuqdey warbaahinta maxlaiga ah ayaa carabka ku adkeeyay in uu dhaawac ka soo gaaray wararka been abuurka ah ee lagu faafiyay baraha bulshada.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa markii ugu dambeysay lagu arkay meel fagaare ah 31-kii Oktoobar isaga oo wakiil ka ah Madaxweyne Samia Suluhu Hassan intii lagu guda jiray kulan dhanka taleefoonka ah oo ay lahaayeen hogaamiyayaasha Bulshada Horumarinta Koonfur Afrika.

Soo muuqashadda madaxweyne ku xigeenka iyo wararka xanta ah ee ku xeeran maqnaanshihiisa ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay marka la joogo baraha bulshadda ee dalkaas.

Dadka qaar ee adeegsada baraha bulshadda ayaa ku doodaya in arrintan ay si khaldan u maamushay markii ay dawladdu ka gaabisay inay xog cad ka bixiso halka uu ku sugan yahay.

Maqnaanshihiisa ayaa sidoo kale waxa ay dhalisay walaac baahsan, iyadoo Ra'iisul Wasaare Kassim Majaliwa uu horay uga digay muwaadiniinta wararka la isla dhexmarayo wuxuuna ku waaniyay in ay feejifnaadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM