Tirada geerida rabshadaha South Africa oo korortay

Image

CAPE TOWN, South Africa - Dowladda Koonfur Afrika ayaa Arbacadii dalbatay 25,000 oo askari oo lagu xakameeyo rabshadaha ka socda dalkaas oo galay maalintii toddobaad, xilli ay jiraan cabsiyo la xiriira cunno iyo biyo yari.

72 qof ayaa la dilay in ka badan 1,200 oo kalena waa la xiray, tan iyo markii ay rabshadaha billowdeen kadib markii madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma ay billaabatay 15 bilood oo xabsi ah, taasi oo dhalisay dibad-baxyo isku rogay rabshado.

Bililiqo xooggan ayaa saameeyey badeecadihii iyo qadadkii gaadiidka ee gobolka koonfurta bari ee KwaZulu, taasi oo kadibna saameysay dalka oo dhan.

Dowladda ayaa sheegtay in 208 dhacdo oo bililiqo iyo burburin la diiwaan-geliyey Arbacadii, ayada oo ciidamada ay daad-gureysay dowladda ay gaareen 5,000.

Hase yeeshee wasiirka gaashaandhigga Nosiviwe Mapisa-Nqakula ayaa goor dambe baarlamanka u sheegtay “inay gudbisay codsi ay ku dooneyso 25,000 oo askari oo kale.” Daad-gureynta ciidamada ayaa waxaa ansixiyey madaxweynaha.

Wasiirka ma aysan sheegin haddii ciidamadan lagu daadin doono waddooyinka balse warar soo baxaya waxay tibaaxayaan in ay jiraan qorsheyaal lagu kordhinayo ciidamada lagu daabulay jidadka.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa waxaa saaran cadaadis aad u xooggan oo lagu dalbanayo inay kordhiso ciidamada waddooyinka si loo qaboojiyo rabshadaha oo dhulka lasii galaya dhaqaalaha dalkaas oo markii horeba xumaa.

GO + VOA

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Mar Lixaad U Tartamayo Doorashada Jabuuti 2026

Geelleh ayaa xilka kala wareegay Hassan Gouled Aptidon — oo Jabuuti u horseeday xorriyadda Faransiiska 1977.

  • Afrika

    24-05-2025

  • 06:21PM

Muhaajiriin laga masaafuriyay Mareykanka una socday South Sudan oo lagu xannibay Jabuuti

Hadda, muhaajiriintan waxaa lagu hayaa xarun ay maamusho Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka (DHS) oo ku taalla Jabuuti.

  • Afrika

    24-05-2025

  • 12:09PM