TPLF oo qabsatay dhul horleh kuna sii siqeysa koonfurta

Image

MEKELLE, Ethiopia — Ciidamada Tigray ayaa sheegay Isniintii inay kusii siqayaan Koonfurta ayna magaalo kale dib uga qabsadeen ciidamada dowladda, ayaga oo muujinaya sida ay uga go’an tahay inay dagaalka sii wadaan illaa dib looga soo celiyo xuduudihii dagaalka kahor.

Wakaaladda wararka si madax-banaan uma xaiijin karto sheegada Tigray-ga.

Ciidamada TPLF ayaa 28-kii Juna qabsaday magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray. Hase yeeshee qeybo ka mid ah galbeedka iyo koonfurta gobolka ayaa waxaa haysta ciidamada maamulka deriska la ah ee Amxaarada.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa Isniintii Reuters u sheegay in ciidamada Tigray ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Korem, oo 170km koonfur ka xigta Mekelle, ayna kusii siqayaan magaalada weyn ee Alamata oo 20km koonfur kasii xigta.

Afhayeen u hadlay militariga Ethiopia Colonel Getnet Adane, kama uusan hadlin cidda maamuleysa magaalada Korem mar ay wax ka weydiisay Reuters, hase yeeshee wuxuu farriin qoraaleed ku yiri “waxaan ku dhowaaqnay xabad-joojin,” isaga oo ila jeeda xabad-joojintii halka dhinac aheyd ee dowladda Ethiopia ay ku dhowaaqday kadib markii ay ciidankeeda kala baxday Mekelle. TPLF ayaa xabad-joojintaas ugu yeertay “kaftan”.

Afhayeenka ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, iyo madax howlgalka dowladda ee Tigray labaduba kama jawaabin codsi ay u dirtay Reuters oo ku saabsanaa inay arrintan ka hadlaan.

Afhayeenka TPLF Getachew ayaa sheegay in kooxdiisa ay dooneyso in xuduudihii dagaalka kahor lasoo celiyo, islamarkaana la furo qadadka gaadiidka, si loogu ogolaado in gargaarka bani’aadannimo uu halkaas gaaro.

Reuters

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM