Tunisia: Maxkamad xukuntay wariyayaal faafiyay warar siyaasadeed

Image
Mourad Zghidi iyo Borhan Bsaiss ayaa labaduba ah wariyeyaal ka tirsan raadiyaha IFM.

NAIROBI, Kenya - Maxkamad ku taalla Tunisia ayaa Arbacadii shalay ku xukuntay labo wariye oo lagu eedeeyay inay daabaceen warar been abuur ah oo wax u dhimaya ammaanka guud.

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan garsoorka dalkaas, xukunkan ayaa la riday iyadda oo ay sii kordhayso cabsida laga qabo in la qaado tallaabo lagu beegsanayo dhammaan codadka muhiimka ah.

Mourad Zghidi iyo Borhan Bsaiss, oo labaduba ah wariyeyaal ka tirsan raadiyaha IFM, ayaa bishan loo xiray hadallo siyaasadeed oo laga sheegay raadiyaha.

Tunisia ayaa hadda xabsiga dhigtay lix wariye oo ay ku jiraan Zghidi iyo Bsaiss, halka tobanaan kalena ay wajahayaan dacwad maxkamadeed, sida uu sheegay ururka saxafiyiinta qaranka, oo ah ururka ugu weyn ee saxafiyiinta dalkaas.

Bishii Maajo, booliisku waxay xireen 10 qof, oo ay ku jiraan saxafiyiin, qareeno iyo mas'uuliyiin ka tirsan ururada bulshada rayidka ah, taasoo Amnesty International ay ugu yeertay olole qoto dheer oo lagu bartilmaameedsanayo dadka u dhaqdhaqaaqa iyo saxafiyiinta.

Human Rights Watch ayaa ugu baaqday Tunisia inay ixtiraamto xoriyatul qawlka iyo xoriyada muwaadinka isla markaana shuruud la'aan lagu sii daayo dhamaan shaqsiyaadka haatan xabsiga ku jirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM