Tunisia: Maxkamad xukuntay wariyayaal faafiyay warar siyaasadeed

Image
Mourad Zghidi iyo Borhan Bsaiss ayaa labaduba ah wariyeyaal ka tirsan raadiyaha IFM.

NAIROBI, Kenya - Maxkamad ku taalla Tunisia ayaa Arbacadii shalay ku xukuntay labo wariye oo lagu eedeeyay inay daabaceen warar been abuur ah oo wax u dhimaya ammaanka guud.

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan garsoorka dalkaas, xukunkan ayaa la riday iyadda oo ay sii kordhayso cabsida laga qabo in la qaado tallaabo lagu beegsanayo dhammaan codadka muhiimka ah.

Mourad Zghidi iyo Borhan Bsaiss, oo labaduba ah wariyeyaal ka tirsan raadiyaha IFM, ayaa bishan loo xiray hadallo siyaasadeed oo laga sheegay raadiyaha.

Tunisia ayaa hadda xabsiga dhigtay lix wariye oo ay ku jiraan Zghidi iyo Bsaiss, halka tobanaan kalena ay wajahayaan dacwad maxkamadeed, sida uu sheegay ururka saxafiyiinta qaranka, oo ah ururka ugu weyn ee saxafiyiinta dalkaas.

Bishii Maajo, booliisku waxay xireen 10 qof, oo ay ku jiraan saxafiyiin, qareeno iyo mas'uuliyiin ka tirsan ururada bulshada rayidka ah, taasoo Amnesty International ay ugu yeertay olole qoto dheer oo lagu bartilmaameedsanayo dadka u dhaqdhaqaaqa iyo saxafiyiinta.

Human Rights Watch ayaa ugu baaqday Tunisia inay ixtiraamto xoriyatul qawlka iyo xoriyada muwaadinka isla markaana shuruud la'aan lagu sii daayo dhamaan shaqsiyaadka haatan xabsiga ku jirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rwanda oo beenisay eedeymaha QM ee ku saabsan ka qaybgalka dilka shacabka ee bariga Congo

OHCHR ayaa sheegtay in dagaalyahannada M23 ay falkan gaysteen iyagoo taageero ka helaya ciidamada Rwanda.

  • Afrika

    12-08-2025

  • 07:53AM

Canshuuraha Cusub ee Trump oo Saameysay Dalal Badan oo kamid ah Afrika

Lesotho ayaa markii hore wajahaysay canshuur dhan 50%, balse markii dambe waxaa loo dhigay 15%.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 04:41PM