Uganda: Reer Galbeedka waxay nagu qasbayaan hirgelinta khaniisnimo

Image
Uganda ayaa bishii May soo rogtay mid kamid ah sharciyada ugu adag aduunka ee ka dhanka ah khaniisnimada.

KAMPALA, Uganda - Uganda ayaa ku eedaysay wadamadda reer galbeedka oo uu ugu horeeyo Mareykanka in ay isku dayayaan in ay Afrika ku cadaadiyaan hirgelinta khaniisnimadda.

Hadalkan wuxuu imaanayaa ka dib markii Maraykanku uu mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Uganda ku soo rogay xayiraadyo dhanka fiisaha ah ama dal ku galka Ameerika.

Mas'uuliyiintan ayaa xukuumadda Washington waxa ay ku sheegtay in ay hormuud ka noqdeen soo rogitaanka sharciyo adag oo ka dhan ah khaniisnimada.

Uganda ayaa bishii May soo rogtay mid kamid ah sharciyada ugu adag aduunka ee ka dhanka ah khaniisnimada, taas oo dhalisay dhaleecayn uga imanaysay kooxaha xuquuqda, Qaramada Midoobay iyo quwadaha reer galbeedka.

Isniintii, Washington ayaa xayiraad fiisaha ku soo rogtay mas'uuliyiin aan la magacaabin oo loo arko inay mas'uul ka yihiin "wax u dhimista hannaanka dimoqraadiyadda" ee Uganda iyo ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan kuwa u ololeeya khaniisnimada.

Sharciga Uganda soo saartey oo la ansixiyay bishii Maajo waxa uu ka kooban yahay qodobbo ka dhigaya "in khaniisnimada ay tahay dembi weyn" marka la joogo waddankaas.

Xeerkaas oo buuq badan abuuray ayaa sidoo kale waxa uu xeerinayaa in lagu ridayo ganaaxyo waaweyn qof kasta oo sameeya xiriir dhanka jinsiga ah waxaana ay muteysan karaan xabsi daa'im.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM