Uganda: Reer Galbeedka waxay nagu qasbayaan hirgelinta khaniisnimo

Image
Image
Image
Image
Image
Uganda ayaa bishii May soo rogtay mid kamid ah sharciyada ugu adag aduunka ee ka dhanka ah khaniisnimada.

KAMPALA, Uganda - Uganda ayaa ku eedaysay wadamadda reer galbeedka oo uu ugu horeeyo Mareykanka in ay isku dayayaan in ay Afrika ku cadaadiyaan hirgelinta khaniisnimadda.

Hadalkan wuxuu imaanayaa ka dib markii Maraykanku uu mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Uganda ku soo rogay xayiraadyo dhanka fiisaha ah ama dal ku galka Ameerika.

Mas'uuliyiintan ayaa xukuumadda Washington waxa ay ku sheegtay in ay hormuud ka noqdeen soo rogitaanka sharciyo adag oo ka dhan ah khaniisnimada.

Uganda ayaa bishii May soo rogtay mid kamid ah sharciyada ugu adag aduunka ee ka dhanka ah khaniisnimada, taas oo dhalisay dhaleecayn uga imanaysay kooxaha xuquuqda, Qaramada Midoobay iyo quwadaha reer galbeedka.

Isniintii, Washington ayaa xayiraad fiisaha ku soo rogtay mas'uuliyiin aan la magacaabin oo loo arko inay mas'uul ka yihiin "wax u dhimista hannaanka dimoqraadiyadda" ee Uganda iyo ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan kuwa u ololeeya khaniisnimada.

Sharciga Uganda soo saartey oo la ansixiyay bishii Maajo waxa uu ka kooban yahay qodobbo ka dhigaya "in khaniisnimada ay tahay dembi weyn" marka la joogo waddankaas.

Xeerkaas oo buuq badan abuuray ayaa sidoo kale waxa uu xeerinayaa in lagu ridayo ganaaxyo waaweyn qof kasta oo sameeya xiriir dhanka jinsiga ah waxaana ay muteysan karaan xabsi daa'im.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo Ciidamo u Dirtay South Sudan Iyada oo Cabsida Dagaal Sokeeye Sii Kordhayso

Xariga wuxuu ka dambeeyay dagaallo ka dhacay gobolka Upper Nile ee u dhexeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad loo yaqaan White Army.

  • Afrika

    12-03-2025

  • 12:17PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Salva Kiir kala hadlay xaaladda South Sudan

Taliyayaasha dowladdu waxa ay qaar ka mid ah la haysteen marka koox loo yaqaan 'White Army' ay weerareen qaybo ka mid ah dalka.

  • Afrika

    10-03-2025

  • 02:27PM