Uganda: Wasiir si dirqi ah kaga badbaadey isku day dil

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Rag hubeysan oo illaa haatan heybtooda aan la aqoon ayaa weerar gaadmo ah waxay ku dhaawaceen taliyihii hore ee ciidamada Uganda, iyagoo dilay gabadhiisa iyo darawalkeeda.

Afar dabley oo watay mootooyin ayaa rasaas ku furay gaari uu la socday General Katumba Wamala, wasiirka shaqada iyo gaadiidka isaga oo Talaadadii maraya xaafada caasimada Kampala ka tirsan ee Kiasasi.

Afhayeen u hadlay ciidanka Brigadier Flavia Byekwaso ayaa tiri "Waxaa jiray is rasaaseyn uu ku lug lahaa isaga… waa la dhaawacay waxaana loo qaaday isbitaalka, darawalkiisii ​​ayaa la dilay".

Gabadha Wamala, oo gaariga la saarneyd ayaa sidoo kale la dilay, sida uu wariyey telefishinka maxaliga ah ee NBS oo soo xigtay illo wareed ka tirsan laamaha ammaanka balse aan la magacaabin.

Sawirro lagu faafiyey baraha bulshada ayaa muujinaya Katumba oo ku sugan xaalad culeys taagayna banaanka gaari noociisu yahay SUV ah isla markaana surwaalkiisa midabada khafiifka ah leh oo dhiig daadsan.

Muuqaalada baraha bulshada ayaa sidoo kale waxay muujinayaan daldaloola daaqadaha baabuurka ay yeeleen rasaas la rumeysan yahay in ay tahay midii ay is-dhaafsadeen dhinacyadda.

Dhowr jeer ayaa waxaa dhacay dilal qorshaysan iyo dilal qarsoodi ah oo loo gaystay saraakiil sarsare oo caan ka ah wadanka bariga Afrika sanadihii la soo dhaafay, kuwaasoo xoojiyey shakiga wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan in ay yihiin kuwa siyaasadeysan.

Dhibbanayaasha ayaa la sheegay in ay kamid yihiin xildhibaan, sarkaal sare oo booliis ah, dacwad oogaha guud ee ugu sarreeya dalka, hoggaamiyeyaasha sare ee muslimiinta iyo kuwo kale.

Isku dayga khaarijin ee Katumba ayaa laga soo wariyey isla xaafadaha caasimada Kampala ku taala halkaas oo 2017 ay rag hubeysan oo mooto wata ay rasaas ku fureen gaari uu la socday sarkaal sare oo boolis ah.

Sarkaalka booliiska ahaa, Felix Kaweesa, waxaa lala dilay ilaaladiisii ​​iyo darawalkiisii. Baaritaano ay baareyaasha ku sameeyeen ficilkaas ayaan wali lasoo bandhigin natiijadda kama dambeysta ah ee kasoo baxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WAR CUSUB: Congo oo diiday Qunsul ay Kenya u dirtay magaalada Goma oo Mucaaradka haysto

Fallaagada M23, oo marar badan lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, ayaa sanadkan ku fiday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo.

  • Afrika

    17-08-2025

  • 01:51PM

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika oo Loo Magacaabay Taliye Cusub

Qaaradda Afrika waa mid leh dhaqaale si degdeg ah u kobcaya iyo bulsho da’yar ah oo rajo u ah dimoqraadiyadda.

  • Afrika

    16-08-2025

  • 09:02AM