Uganda: Wasiirad dacwad loogu soo oogayo "in ay xaday jiin-gado"

Image
Haweeneyda ayaa horey u dalbatay cafis maadaama ay qiratay in ay si xun u maamushay qeybinta agabkan.

KAMPALA, Uganda - Xafiiska dacwad-oogaha guud ee Uganda ayaa lagu wadaa in uu wasiir kusoo oogo dacwad ku saabsan xatooyada jiin-gado loogu talagalay in lagu caawiyo dad sabool ah oo ku nool gobolka waqooyi bari ee Karamoja.

Dacwad lagu soo oogo wasiirada loo heysto musuq maasuqa ayaa ah mid naadir ka ah dalka Uganda, halkaasoo ay joogto ka tahay ku takrifalka hantida iyo agabka dadweynaha.

Gobolka baadiyaha ah ee sohdinta la leh Kenya iyo Koonfurta Suudaan, Karamoja ayaa hoy u ah xoolo-dhaqato reer guuraa ah oo u nugul abaaro soo noqnoqda iyo dhaca xoolaha.

Booliska ayaa bishii Febraayo xiray saddex qof oo kamid ah qaraabadda Wasiirka Arrimaha Karamoja, Mary Goretti Kitutu. Eedeysaneyaasha ayaa gacanta lagu dhigay iyaga oo iibinaya jiin-gadaha.

Mary Goretti Kitutu ayaa horey waxay usoo noqotey wasiirka Tamarta iyo Horumarinta Macdanta ee Golaha Xukuumadda Uganda, laga bilaabo 14 Diseembar 2019 illaa 8 Juun 2021.

Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska New Vision ee ay dowladdu leedahay, jiin-gadaha waxaa ka muuqdey astaan ay kamid tahay in ay ku qoran tahay "Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha".

Xafiiska agaasimaha dacwad oogista ayaa xaqiijiyey inay Kitutu kusoo oogi doonan dacwad ku saabsan in uu leexiyey deeqdii "Barnaamijka Awood-siinta Bulshada Karamoja".

Kitutu ayaanan wali wax war ah kasoo saarin eedeymaha loo jeediyey. Iyadoo bishii hore ka soo hormuuqatay guddiga baarlamaanka, Mary Goretti Kitutu ayaa codsatay in la cafiyo maadaama ay si xun u maareysay qeybinta qalabka dhismaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM