Uhuru Kenyatta oo dab qabad-siiyey 5,144 qoryo fudud ah

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa Arbacadii dab qabadsiiyay ilaa 5,144 oo hub sharci darro ah isla markaana gaboobay; si lamid ah hub fudud oo ay dowladdu leedahay taas oo qeyb ka ah dadaalada lagula dirireyso dambiyadda.

Kenyatta ayaa xusay in gubida hubka fudud iyo kuwa sharci darada ah ay ku lifaaqan tahay baaqii Midowga Afrika ee ahaa in la aamusiyo qoryaha Afrika sanadka 2020.

Wuxuu yiri "in kasta oo bartilmaameedka midowga Afrika aan si buuxda loo gaarin sanadka loo qabtay, hadana wadamada Kenya oo ay ku jirto, waxay sameeyeen horumar aad u wanaagsan oo ku aadan hadafkaas".

"Anagoo si cad u burburinayna hubka sharci darrada ah, Kenya waxay mar kale si cad u muujineysaa inaan go'aansanay oo aan diyaar u nahay inaan wajahno caqabadaha ka imanaya hubka fudud iyo kuwa sharci daradda ah," ayuu daray.

Hubka la gubay ayaa isugu jira qaar ay la wareegeen saraakiisha amniga ama si iskood ah isugu soo dhiibeen hay'adaha dowladda si lamid ah tirro kale oo ay soo uruuriyeen ciidamadda ammaanka.

Kenyatta ayaa wuxuu faray wakaaladaha haynta hubka dowladda in ay hubiyaan isla xisaabtan adag iyo maamul sax ah iyo sidoo kale xakamaynta hubka ay masuulka ka yihiin "si looga ilaaliyo madaxbanaanida, is-daba-marinta iyo ku takrifalka".

Al-Shabaab oo fadhigoodu yahay Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay weeraro goos goos ah ka fulisay dalka ay deriska yihiin ee Kenya iyadoo aargudasho ay u aheyd xukuumada Nairobi ay ciidankeedu ku jiraan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM