UN-ka oo aqbalay codsi Sudaan ka gudbisay askarta Itoobiya

Image
Addis Ababa iyo Khartuum oo gorada iskula jira ayaa isku-khilaafsan dhowr arrimood.

KHARTUUM, Sudan - Qaramada Midoobey ayaa ku beddeli doonta askarta Itoobiya ee la geeyay Aagga Abyei ciidamo ka socda dalal kale oo ku biiriya hawlgallada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay, sida ay dowladda Suudaan ku dhawaaqday Isniintii.

Khartoum ayaa ka codsatay Qaramada Midoobay bishii Abriil ee la soo dhaafay in ay ciidammada Itoobiya kala baxdo magaalada ku taal xadka iyada oo ku sababaysay in Addis uusan ahayn waddan dhexdhexaad ah.

"Ma aha wax la qaadan karo in la aqbalo ciidamada Itoobiya ee la geeyay aaga istiraatiijiga ah ee Suudaan halka ciidamada Itoobiya ay isku urursanayaan xuduudaha bariga Suudaan," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Suudaan, 6-dii Abriil.

Isniintii, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Suudaan, Maryam Al-Sadiiq, ayaa kulan aan caadi ahayn la yeelatay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Geeska Afrika, Parfait Onanga-Anyanga, iyadoo ay ka qeybgaleen madaxa nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay, Jean-Pierre Lacroix iyo madaxa Waaxda Taageerada Hawlgalka Qaramada Midoobay, Atul Khare .

Warsaxaafadeed la sii daayay kulanka kadib ayaa wasaaradda arrimaha dibaddu ku shaacisay in kulanka looga hadlay xaaladda Aagga Abyei iyo Ciidanka Ammaanka Ku -meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Abyei (UNISFA).

"Waxaa la isku raacay in qaybta Itoobiya laga saaro UNISFA saddexda bilood ee soo socota codsiga Suudaan," ayaa lagu daray qoraalka oo saxaafadda maxaliga ah iyo kuwa caalamka lala wadaagay.

Al-Mahdi ayaa soo dhoweeyay jawaabta wanaagsan ee Qaramada Midoobay iyo fahamka codsiga Suudaan ee ah in la beddelo ciidamada Itoobiya. Waxay kaloo ballan-qaadday inay bixin doonto dhammaan tasiilaadkii loo baahnaa si ay si habsami leh uga baxaan ciidamada Itoobiya gobolka xuduuda dhaca.

Maalmo ka hor madaxbannaanida Koonfurta Suudaan, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa oggolaaday in ciidamo nabad -ilaalin ah loo diro aagga Abyei ee lagu muransan yahay 27 -kii Juun 2011. Hadda, waxaa jira in ka badan 3500 oo askar Itoobiyaan ah oo la geeyay aagga.

Waqtigii Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Cumar Al-Bashiir oo ay saaxiibo dhow ahaayeen Ra'iisul Wasaarihii geeriyooday ee Itoobiya Meles Zenawi ayaa codsaday in xuskan ay si gaar ah u sameeyaan askarta Itoobiya.

Markii hore, hawlgalka waxaa loo geeyay inuu sugo amniga oo uu badbaadiyo dadka rayidka ah kadib weeraradii dhiigga ku daatay ee ka dhacay aagga xasaasiyada badan.

Bishii Disembar 14, 2012, Golaha Ammaanka ayaa ballaariyay waajibaadka UNISFA si loogu daro kormeerka dhammaan xadka u dhexeeya Waqooyiga iyo Koonfurta Suudaan oo lagu tiro meelaha ugu jilicsan dhanka colaadda gobolka Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal kasoo yeeray dowladda Suudaan

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa muujisay "sida ay uga xun tahay" hadalkaas.

  • Afrika

    15-11-2024

  • 07:45AM

In ka badan 50 qof oo lagu dilay duqeyn ka dhacdey gobolka Amxaarada

21 kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen, waxaana qaarkood xaaladooda ay halis tahay.

  • Afrika

    09-11-2024

  • 01:52PM