UN oo baaq deg-deg ah kaasoo saartey xariga madaxwayne

Image

BOMAKO, Mali - Howlgalka Qaramada Midoobay ee Mali ayaa dalbaday in si deg deg ah loo sii daayo Madaxweyne Bah Ndaw iyo ra'iisul wasaare Moctar Ouane, kadib markii ay soo baxeen warar tilmaamaya in ay xireen askarta.

Xafiiska Minusma oo bartiisa Twtter-ka ku daabacay qoraal af Faransiis ayaa sidoo kale wuxuu ku baaqay adkeynta "deganaanshaha" waddanka saboolka ah ee ku yaala Galbeedka qaaradda Afrika.

Tani waxay timid kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in madaxweynaha kumeel gaarka ah ee Ndaw iyo ra'iisul wasaare Mr Ouane ay askartu u kaxeeyeen xerada militariga Kati ee u dhow caasimada Bamako.

Talaabadan ayaa la sheegay in ay kordhisay cabsida laga qabo inqilaab labaad oo sanad gudihiis ka dhaca dalka. Wasiirka gaashaandhigga Souleymane Doucouré ayaa sidoo kale lasoo waryey in la xiray.

Gelinkii dambe ee Isniinta, Mr Ouane ayaa telefoonka ugu sheegay AFP in askartu "ugu yimaadeen inay soo qabtaan". Wakaaladda wararka Faransiiska ayaa tibaaxdey in isgaarsiinta hawada laga saarey xilligaas kadib.

Midowga Afrika, Ururka Bulshada Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika, EU iyo Mareykanka ayaa sidoo kale cambaareeyay xariga, iyagoo sheegay in siyaasiyiinta ugu sareysa Mali ay tahay in la siidaayo iyadoon wax shuruud ah lagu xirin.

Xariga la sheegay ayaa yimid saacado uun ka dib isku shaandheyntii dowladda, taasi oo lagu arkay in meesha laga saarey laba sarkaal oo sare oo ka tirsan ciidamada oo ka qeyb qaatay inqilaabkii sanadkii hore.

Mar kale Mali waxay u muuqataa mid aan degganeyn sagaal bilood uun ka dib afgambigii militariga ee lagu riday Madaxweyne Ibrahim Boubakar Keïta oo xilka laga qaaday, sida uu ku soo warramay tifaftiraha BBC-da ee Afrika, Will Ross.

Wuxuu sheegay in dad badan oo reer Maali ah ay soo dhoweeyeen bixitaanka Mr Keita - laakiin waxaa jira caro ku timaaday awooda militariga ee dowlada kumeelgaarka ah iyo gaabiska ku yimid isbadalada la balan qaaday.

Inqilaab kan ka horreeyay oo dhacay 2012 wuxuu horseeday in Islaamiyiin mintidiin ah ay ka faa’iideystaan ​​xasillooni-darrada ay ku qabsadeen dhul ku yaal woqooyiga Mali.

Ciidamada Faransiiska ayaa waxay gacan ka geysteen dib u soo celinta dhulka, laakiin weeraradu way sii socdaan taasoo sabab u noqotay in waddanka uu wajahayo nabad-gelyo xumo iyo xasilooni darro dhanka siyaasada gudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Zimbabwe oo hilib maroodi u qeybinaysa dadka abaaraha saameeyay

Go’aankan ayaa qayb ka ah qorshe lagu xakameynayo tirada maroodiga ee ku nool keymaha dalkaas.

  • Afrika

    09-06-2025

  • 09:17AM

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed: Ethiopia wali kama quursan baadi-goobka Badda

“Dalka aan 120 milyan qof ka kooban yahay oo ku xeeran biyo, waa xaq iyo cadaalad in loo helo marin badeed,” ayuu yiri.

  • Afrika

    09-06-2025

  • 07:41AM