Ururka Midowga Afrika oo $90 milyan u dalbay howlgalka ATMIS

Image
Haddii aan la helin lacagta ayaa, sidda laga soo xigtey AU-da, waxay saameynaysaa 19,600 oo askari ah.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ururka Midowga Afrika oo hadal rasmi ah soo saarey ayaa codsaday lacag ku dhow 90 milyan oo dollar oo lagu maalgelinayo howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya.

Madaxa arrimaha siyaasadda iyo nabadda ee AU-da, ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ay taageero muhiim ah siiyaan ciidamada milateriga Soomaaliya oo dagaal kula jira kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Bankole Cadeooye ayaa ku doodey in haddii aan lacagtan la helin ay 19,600 oo askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika aysan awoodi doonin inay si hufan u shaqeeyaan oo ay gutaan waajibaadkooda si loo yareeyo khatarta argagixisada.

Sida laga soo xigtay UN-ka, ATMIS waxay ka xoraysay argagixisada Al-Shabaab xarumaha dadweynaha, waxay abuurtay "jawi ku habboon habraacyada siyaasadda, waxayna horumar la taaban karo ka samaysay ku wareejinta amniga ee dawladda".

Dalabkan cusub ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii loosoo gabagabeyn lahaa joogitaanka ciidamaddan marka la gaaro bisha December, 2024-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan oo u yeertay safiirkeeda Kenya kadib Shirkii RSF ee Nairobi

Sanadkan, militariga ayaa qaaday howlgallo ay dib ugula wareegeen qeybo badan oo ka mid ah magaaalada caasimadda ah ee Khartoum.

  • Afrika

    21-02-2025

  • 12:37PM

Kenya oo ka jawaabtay eedeyn uga timid dowladda militeriga Sudan

Dagaalka u dhexeeya ciidamada qalabka sida ee Sudan iyo xoogagga RSF ayaa sababay dhimashada in ka badan 24,000 oo qof.

  • Afrika

    20-02-2025

  • 12:44PM