Wasaaradda Waxbarashada Masar: Dugsiyada laguma xiran karo Indhashareerka

Image

CAIRO, Masar - Wasaaradda Waxbarashada iyo Farsamada ee dalka Masar ayaa soo saartay go’aamo dhowr ah oo la xiriira labiska dugsiyada, ka hor inta uusan bilaaban sanad dugsiyeedka cusub ee loo qorsheeyay inuu furmo 30-ka September.

Wasaaraddu waxay xaqiijisay in xijaabka uu yahay (ikhtiyaar), iyadoo la raacayo midabka ay doorteen agaasinka waxbarashada ee ay khusayso, balse waxaa la diiday in ay ardeydu xirtaan indha-shareer.

Wasaaradda waxbarashada Masar ayaa ku nuuxnuuxsatay in qofka masuulka ka ah ardeyga laga rabo in uu ka warqabo doorashada inantiisa, taas oo ku salaysan rabitaankeeda iyada oo aan cadaadis iyo qasab kaga iman cid kale.

Wasaaradda ayaa go’aankan sabab uga dhigtay in ay suurtagal tahay in qof kastaa uu ku dhuunto Indhasheerka kuna soo galo dugsiyada, isaga oo iska dhigaya ardeyda, taasoo albaabka u fureyso musumaasuqa ama in uu imtixaanka ka galo ardey kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biyo-xireenkan Niil oo ka dhigay Itoobiya Dhoofiyaha ugu weyn ee korontada Afrika

Masar iyo Suudaan waxay ku doodeen in buuxinta biyo-xireenka ay qaadato 12 ilaa 21 sano si aysan biyuhu u yaraanin.

  • Afrika

    09-09-2025

  • 05:31AM

Itoobiya oo ku eedeysay Jaamacadda Carabta in ay Masar u adeegto

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay muranka dhanka biyaha ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 11:04AM