Wasiir hore oo loo xiray in uu xadey kombuyuutarro iyo matooro

Image
Henry Mussa ayaa lagu xukumay lix sano oo xarig ah kadib markii lagu helay "dambiyo musuqmaasuq".

BLANTYRE, Malawi — Maxkamadda sare ee dalka Malawi ayaa lix sano oo xarig ah ku xukuntay wasiirkii hore ee warfaafinta iyo nin ka hoos shaqeeya oo lagu helay in ay xadeen kombuyuutarrada iyo koronto-dhaliyeyaasha loogu talagalay wakaalada wararka ee dowladda.

Ciqaabtan ayaa kusoo beegmaya iyadda oo isla todobaadkii hore la-taliyihii madaxweynaha iyo afhayeenkii xisbiga talada haya ay xilka uga tageensababo la xiriira musuqmaasuqa ka jira xukuumadda hadda jirta.

Xukunkan ayaa falanqeeyeyaashu waxay sheegeen in uu muujinayo sida ay dawladdu uga go'an tahay in ay la dagaalanto musuqmaasuqa iyo welwelka laga qabo in loo isticmaalo in lagu ciribtiro kooxaha iska soo horjeeda.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Henry Mussa iyo agaasimihiisii Gideon Munthali, ayaa labaduba ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Democratic Progressive Party ama DPP.

Xukunka lagu riday ayaa waxa uu yimid in ka badan shan bilood ka dib markii lagu helay eedeymo musuqmaasuq. Dadka dhaleeceeya dowladda xarigooda ku sifeeyay mid siyaasadeysan.

Labada mas'uul ayaa waxay biirayaan dhowr mas’uul oo ka tirsan dowladdii hore ee loo xiray kiisas kala duwan oo musuqmaasuq la xiriira, taasoo ah olole uu maamulka madaxweyne Lazarus Chakwera bilaabay wax yar ka dib markii uu ku guuleystay doorashadii 2020-ka.

Liiska waxaa ku jira xarigii bishii November ee la soo dhaafay loo geystay madaxweyne ku xigeenka dalka, Saulos Chilima, kaas oo lagu eedeeyay in uu lacag dhan $280,000 iyo alaabo kale ka qaatay ganacsade British ah Zuneth Sattar si uu ugu noqdo qandaraasyada dowladda Malawi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM