Wasiirad loo haysto in ay xaday jiingado oo laga diidey damiin

Image
Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa carabka waxa uu ku adkeeyay in dadka qaatay jiingadaha ay tahay inay soo celiyaan.

KAMPALA, Uganda - Maxkamad ku taal Uganda ayaa markii labaad diiday in damiin lagu sii daayo wasiirad ka tirsan xukuumadda oo wajahaysa eedeymo la xiriira lunsashada hantida dadweyne.

Garsooraha maxkamada sare Joan Aciro ayaa dalabkan ka diide Mary Goretti Kitutu, oo 60 jir ah, taasoo xabsiga ku qaadatay todobaadka ay Masiixiyiinta u yaqaanan Easter-ka.

Kitutu ayaa maxkamada ka codsaday todobaadkii hore in damiin lagu sii daayo, iyadda oo ku doodeysa in ay haysato ama la daalaadhaceyso caafimaad darro iyo da’ weyni.

Haweeneyda ayaa loo haystaa in ay leexsato kumanaan jiingado ah oo loogu talagalay dadka nugul ee ku nool waqooyi bari ee gobolka Karamoja oo ay iyadu wasiirada ka tahay.

Gobolka Karamoja ayaa waxaa lagu tilmaamay in uu yahay kan ugu saboolsan bulsho ahaan iyo dhaqaale ahaan iyadoo 61% dadweynaha ay ku nool yihiin faqri.

Dhowr mas’uul oo ka tirsan dowladda oo ay ku jiraan madaxweyne ku xigeenka, ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa lagu eedeeyay inay heleen qaar ka mid ah jiingadaha la xaday.

Taliska Booliiska ayaa horaantii todobaadkan wuxuu tibaaxay in faylal badan oo la xiriira fadeexadan loo diray dacwad oogayaasha ayna dhici karto in dacwado lagu soo oogo.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa carabka waxa uu ku adkeeyay in dadka qaatay jiingadaha ay tahay inay soo celiyaan ama ay bixiyaan lacag u dhiganta si dib loogu celiyo shacaba loo qoondeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM