Weerar ka dhacay dalka Kenya iyo howlgalka ka billowday xadka Soomaaliya
NAIROBI — Sideed qof ayaa maanta oo Talaado ah lagu dilay waqooyi-bari ee dalka Kenya, ka dib markii rag lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerareen gaarri sida shaqaale dhismaha iyo booliska meel dhow xudduudda Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha.
Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah shanta shaqaalaha dhismaha, laba askari oo ka tirsan booliska kaydka ah (NPR), iyo darawalkooda, sida ay sheegeen booliska iyo ofishal sare oo ka tirsan maamulka gobolka.
"Kooxda ayaa ku sii jeeday goob mashruuc ka socday markii ay weerar jooja ah ku qaadeen dagaalamayaal lagu tuhunsan yahay Al-Shabaab," ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan booliska oo la hadlay warbaahinta, isagoo ka codsaday in magaciisa la qariyo. "Sideed qof ayaa ku naf waayay weerarka."
Dhibaatadan ayaa ka dhacday deegaanka Mandheera oo ku dhow xudduudda u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya, deegaankaas oo si joogto ah ay uga dhacaan weeraro ay qaadaan kooxda xiriirka la leedahay Al-Qaacida.
GAROWE ONLINE