Wiilka madaxwayne hore oo loo haysto fadeexad culus
MAPUTO, Mozambique - Wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Mozambique iyo 18 kale ayaa maxkamad la soo taagay dacwad la xiriirta $2 bilyan doolar (£1.5bn) oo ah is-marin lagu sameeyay mashaariic kaluun ka ganacsi ah.
Ndambi Guebuza, oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Armando Guebuza, iyo kuwa kale ayaa wajahaya dacwado la xiriira musuqmaasuq, lunsasho iyo xatooyo lacageed.
Musuq-maasuqii ugu weynaa ee Mozambique ayaa horseeday in deeqbixiyeyaasha oo ay ka mid tahay IMF ay yareeyaan kaalmadii ay siin jireen dalka iyo burbur dhaqaale. Wali ma aysan ka hadlin eedeymaha loo soo jeediyay.
Maxkamadeynta ayaa waxay ka soconeysaa teendho weyn oo ku dhex-taala xabsiga ugu ammaanka badan ee ku yaal duleedka magaalada caasimadda ah ee Maputo.
Qolalka maxkamadaha ee ku dhex-yaala magaalada waxaa loo arkay inay aad ugu yar yihiin qareennada tirada badan, 70 markhaati iyo 250 shaqaale warbaahineed oo loo aqoonsaday inay yimaadaan.
Isaga oo ka hadlayey sadhigii maxkamadda ee furitaanka, garsooruhu wuxuu sheegay in dhammaan eedaysanayaashu ay waajib ku tahay inay maxkamadda ku xaadiraan labiska xabsiga.
In kasta oo Mr Guebuza uusan hadda xilka haynin, haddana xisbigiisa aadka caanka u ah ee lagu magacaabo Frelimo ayaa weli talada haya wuxuuna arriminayaan tan iyo markii dalkaas xorriyadda uu qaatay sanada 1975-kii.
Sidee fadeexadan u dhacdey?
Intii u dhexeysay 2013-2014, saddex shirkadood oo dhowaan la aasaasay ayaa qaatay deyn dhan $2.2bn, inta badan iyada oo uu ogeyn ama ansixin baarlamaanka dalka.
Hantidhawrka ayaa la sheegay inuu ogaaday 500 milyan oo doolar oo ka mid ah lacagtaas oo maqan. Dawladda Mozambique waxay u taagnayd dammaanad -qaadka amaahda, taasoo la micno ah in dawladdu ay bixin doonto haddii wax khaldamaan.
Lacagta ayaa la sheegay in loo isticmaalay in lagu iibsado warshad weyn oo ka shaqeysa arrimaha kaluunka tuunaha ah iyo maraakiibta amniga badda, iyo sidoo kale in lagu maalgeliyo heshiisyo kale oo lala galay shirkado.
Deymaha waxaa bixiyay Credit Suisse iyo bangiga Ruushka VTB. Saddex shirkadood ee reer Mozambique ee la siiyey waa: Proindicus, Ematum (Mozambique Tuna Company) iyo MAM (Maareynta Hantida Mozambique).
Mozambique waxay dacwad ku soo oogaysaa Credit Suisse iyaddoo galka gaarsiisay maxkamad London ku taal, iyadoo weydiisanaysa in qaar ka mid ah amaahda la buriyo oo weliba la raadiyo magdhow.
Credit Suisse ayaa dacwad ka dhan ah maxkamadaha UK ka soo saartay Mozambique waxayna hore u sheegtay in shaqaalihii hore ay ku dhaqmeen iyadoon shirkadda ogeyn.
Yaa kale oo la eedeeyey?
Eedeysanayaasha kale waxaa ka mid ah Gregorio Leao, oo ah madaxa Adeegga Amniga iyo Sirdoonka (SISE) ee hoos yimaada Mr Guebuza, iyo Antonio do Rosario, oo noqday guddoomiyaha saddexda shirkadood.
Mid ka mid ah kuwa la xusi karo ee ka maqan maxkamadda ayaa ah wasiirkii hore ee maaliyadda Manuel Chang. Wuxuu ku xirnaa Koonfur Afrika tan iyo bishii Diseembar 2018.
Xarigaas wuxuu jawaab u ahaa amar qabasho oo ay soo saareen mas'uuliyiinta Mareykanka, oo lagu eedeeyay inuu maleegay shirqool lagu sameynayo khiyaano silig, khiyaamo lacageed iyo lacago sharci darro ah.
Waxa uu sugayaa go’aanka madaxda Koonfur Afrika ee ah in loo dhiibo midkood Mareykanka ama Mozambique. Wuu inkiray wax khalad ah. Balse, mas'uuliyiinta waddankiisa waxay ku adkeynaysaa in uu kaalin ka cayaaray dambiga.
GAROWE ONLINE