Wiilka Yoweri Museveni oo caddeeyay damaciisa madaxtinimada

Image
Muhoozi Kainerugaba ayaa hadalkan ku sheegay qoraal hadda la tirtiray oo Twitter-ka la soo dhigay habeenimadii Arbacada.

KAMPALA, Uganda - Wiilka uu dhalay hoggaamiyaha rug-cadaaga ah ee Uganda, Yoweri Museveni, ayaa ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu u tartamo xilka madaxweynanimo ee doorashada 2026-ka, isagoo sheegay in la joogo "waqtigii uu talada qaban lahaa".

Muhoozi Kainerugaba oo inta badan soo saara fariimo muran xoogan ka dhaliya baraha bulshadan ayaa hadalkan ku sheegay qoraal hadda la tirtiray oo Twitter-ka la soo dhigay habeenimadii Arbacada.

Dadka wax indha indheeya ayaa in badan aaminsanaa in Kainerugaba loo diyaarinayo jagada ugu sareysa dalkan iyaga oo cuksanaya qoraaladda uu ku faafiyo ciwaankiisa Twitter-ka.

Inkastoo 48-jirkan uu horay u beeniyay wararka sheegaya inuu doonayo inuu xilka kala wareego aabbihii, waxa uu si degdeg ah uga dalacay darajooyin badan oo dhanka ciidamadda ah.

Sannadkii 2013, booliisku waxay muddo 10 maalmood ah xireen laba wargeys oo madax banaan iyo laba idaacadood ka dib markii ay daabaceen qoraal sir ah oo uu qoray jeneraal sare oo sheegaya in Museveni uu u diyaarinayey Kainerugaba si uu u beddelo.

Hadalada Kainerugaba ee ku saabsan arrimaha siyaasadda dibadda ee xasaasiga ah ayaa inta badan madax-xanuun diblomaasiyadeed u horseeday Uganda.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ee uu ku taageerayay jabhadda Tigrayga ee Itoobiya ayaa ka cadhaysiisay Addis Ababa, halka fikradihiisa ku aaddan duullaanka Ruushka ee Ukraine iyo afgambigii Guinea 2021 ay sidoo kale shaki aad u xooggan ku abuurtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM