William Ruto oo laga hor-istaagay in uu u safro Uganda

Image
Isaga oo u muuqda mid ka falcelinaya talaabadan, Ruto ayaa Twitter-ka ku daabacay "waa hagaag". [Photo: The Star]

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne ku xigeenka waddanka Kenya, William Ruto, ayaa maanta waxaa laga hor istaagay in uu booqasho gaar ah ku tago waddanka Uganda, sida ay ka dhawaajisay kooxdiisa warfaafinta.

"Markii uu gaaray garoonka diyaaradaha, waxaa la weydiistay inuu oggolaansho ka raadsado Madaxa Adeegga Dadweynaha iyo Xoghayaha Golaha Wasiirrada. Waan la yaabnay. Tani marnaba ma dhicin sagaalkii sano ee la soo dhaafay," ayuu yiri xoghayaha isgaarsiinta, David Mugonyi, Isniintii.

Sida waafaqsan nidaamka socdaalka ee dawladda, xubin kasta oo ka tirsan Golaha Wasiirrada ee doonaysa inay dalka ka dhoofto waa inay oggolaansho ka heshaa Aqalka Dawladda ka hor inta aysan socdaalin

Arrin u muuqatay mid uu kaga falcelinayo is-hortaaga, madaxwayne ku xigeenka oo xifaaltan hoose uu kala dhaxeeyo Uhuru Kenyatta, wuxuu Twitter-ka ku qoray: "Waa hagaag".

Ruto ayaa la sheegay inay la xiriirtay Madaxa Adeegga Dadweynaha Joseph Kinyua si uu ugala hadlo qadiyaddan laakiin Kinyua wuxuu sheegay inuusan la socon dhacdooyinkan.

Bishii hore, Madaxweynaha Ugandha, Yoweri Museveni, ayaa ku casuumay Ruto inuu yahay martida ugu weyn ee munaasabada dhagax-dhigga rasmiga ah ee xarun soo saareysa tallaalka.

Munaasabadan oo ay sidoo kale xaadireen mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Uganda iyo dalalka deriska ayaa ka dhacday Matuga, degmada Wakiso oo dhismiheedu ka socdo.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, Ruto wuxuu sheegay in ballanqaadka ah in la iibsado goojooyin badan oo talaalka lagu sameeyay qaaradda Afrika ay sare u qaadi doonto isku-tiirsanaanta mandiqadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM