Xabadjoojintii Sudan ee bisha Ramadan oo burburtay

Image
Dowladda Suudaan ayaa 4 shuruudood ku xirtay dhaqan gelinta xabbad joojinta.

Khartoum (GO) - Ciidamada Cirka ٍSudan ayaa maanta duqeeyay goobo ay ku uruursanayeen ciidamada Taageerada degdegga ah oo ku yaalla xaafado ka tirsan magaalada Khartoum, inkastoo lagu baaqay in xabbad joojin laga sameeyo Sudan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qiiq ka soo baxay dhismayaal ku dhow agagaarka xaafadda Al-Maamoura oo koonfur bari ka xigta caasimadda, iyagoo xusay in la maqlay qaraxyo xooggan.

Dowladda Suudaan ayaa 4 shuruudood ku xirtay dhaqan gelinta xabbad joojinta, Yasser Al-Atta, oo ah Kaaliyaha Taliyaha Ciidanka Xoogga, ayaa xaqiijiyay shuruudahaas, isagoo ugu baaqay Ciidamada Taageerada Degdegga ah in ay isaga baxaan dhammaan deegaannada ay kaga taliyaan caasimadda Khartoum, iyo Darfur iyo Kordofan.

Mareykanka ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay wax badan ka qabtaan sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada ka taagan dalkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM