Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika
Safarkii Xasan Sheekh ee Addis Ababa, ka dibna Masar, wuxuu keenay mar kale su’aalo ku saabsan jihada siyaasadeed ee Soomaaliya. Xilli Itoobiya ay Masar ku eedaynayso inay taageerto xoogagga ka dagaallamaya Tigray, wararku waxay sheegayaan in madaxweynaha Soomaaliya ee muddo dhaafka ay suurtagal tahay inu Masar kula kulmo hoggaamiyeyaasha Masar, Eritrea iyo Suudaan. Arrintan oo abuureysa muuqaal siyaasadeed oo is-khilaafsan.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar booqasho shaqo ku tegay Addis Ababa, halkaas oo uu kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Itoobiya ayaa kulanka ku sheegtey in kulanku diiradda saaray xiriirka labada dal, xaaladda gobolka iyo iskaashiga nabadda iyo amniga Geeska Afrika. Halka warar kale sheegeen in safarka Xasan Shiikh salka ku hayey dagaalka kaga socda maamulka Koonfur Galbeed oo degaano badan dhacaan xuduudka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Maamulka Koonfur Galbaeed ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan midowga Afrika iyadoo ay ka socdaan dagaalo u dhexeeya maamulka dibad jooga ah ee Laftagareen iyo maamul Villa Somalia taageerto oo ku sugan Baydhabo.
Maalmo yar kaddib, Xasan Sheekh wuxuu gaaray magaalada New Alamein ee Masar si uu uga qayb galo Madasha Afrika ee Alamein, oo looga hadlayo maalgashiga, ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale ee qaaradda. Dhanka kale, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa u ambabaxay Masar, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Eritrea. Warbaahin ayaa sheegtay in la filayo kulan afar-geesood ah oo ay yeelan karaan Xasan Sheekh, Isaias, Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisi iyo hoggaamiyaha Suudaan Cabdifataax Al-Burhaan. Ilaa hadda, kulankaas gaarka ah si rasmi ah looma xaqiijin.
Itoobiya oo Masar ku eedaysay taageeridda fallaagada
Booqashooyinkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dagaalka cusub ee waqooyiga Itoobiya uu sii xoogeysanayo. Hoggaanka milatariga Itoobiya ayaa Masar, Suudaan iyo Eritrea ku eedeeyay inay taageerayaan isbahaysiga hubaysan ee ay hoggaamiso TPLF. Masar iyo dalalka kale way diideen eedeymahaas. Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa sidoo kale gaaray heer ay labada dhinac xiriirkooda diblomaasiyadeed jaraan.
Sidaas darteed, muuqaalka ka dhashay safarka Xasan Sheekh wuxuu u muuqan karaa mid is-khilaafsan: madaxweynaha Soomaaliya oo Addis Ababa kula kulmey Abiy Axmed, haddana Masar kula kulmi doona hoggaamiyeyaasha ay Itoobiya hadda is hayaan. Tani waxay muujinaysaa sida ay u adkaan karto in Muqdisho isku mar ilaaliso kalsoonida dalalka deriska ah iyo xiriirka ay la leedahay Masar, Eritrea iyo Itoobiya isku mar.
Heshiiskii Asmara ee xilligii Farmaajo
Waxaa sidoo kale dib loo xusuusan karaa heshiiskii ay 2018-kii Asmara ku saxiixeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Isaias Afwerki. Baaq wadajir ahaa oo xiligaas ay soo saareen wuxuu ballanqaaday iskaashi siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, dhaqan iyo amni, ixtiraamka madax-bannaanida dalalka, iyo guddi heer sare ah oo dabagala fulintiisa.
Hase yeeshee, kulanka la filayo ee Masar wuxuu noqonayaa madal ka duwan: kaas oo la sheegay inay ka qayb gali doonan Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan, halka Itoobiya aysan ku jirin xiligaan. Sidaas darteed, si sax ah looma oran karo kulanka Masar waa dib-u-soo-nooleynta heshiiskii 2018; waxa uu ka tarjumayaa isbeddelka xulafaysiga gobolka iyo raadinta qaab kale oo wada-tashi ah.
Waxaa jira heshiis kale oo muhiim ah oo mar kale lagu saxiixay Asmara, balse dhacay 2024, xilligii Xasan Sheekh: Soomaaliya, Eritrea iyo Masar waxay ku heshiiyeen iskaashi amni, taageeridda awoodda Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo ilaalinta badda iyo xuduudaha. Baaqa rasmiga ahi wuxuu sidoo kale xusay in Masar ay soo jeedisay inay ciidamo ku biiriso hawlaha nabad-ilaalinta Soomaaliya, taas oo aan weli si raami ah I fulin balse keeney in Masar Villa Somalia siiso tababaryaal ciidan iyo saanado hub ah.
Falanqayn: Tani ma isku dheellitir siyaasadeed-baa mise jahawareer diblomaasiyadeed?
Diblomaasiyadda Soomaaliya waxay xaq u leedahay inay xiriir la yeelato dalalka deriska ah iyo kuwa gobolka. Booqashada Xasan Sheekh ee Addis Ababa waxay noqon kartaa isku day lagu maareynayo xiriirka Itoobiya, halka safarka Masarna uu la xiriiro madasha Afrika iyo wada-shaqaynta Soomaaliya la leedahay Masar. Laakiin marka kulamadu ku soo beegmaan xiisad dagaal oo Itoobiya iyo Masar si dadban ama toos ah isugu eedeynayaan, waxaa muhiim ah in Muqdisho si cad u muujiso mowqifkeeda.
Haddii aan si cad loo kala saarin ujeeddada kulamada, waxaa dhalan kara aragti ah in Soomaaliya ay isku dayayso inay laba dhinac oo iska soo horjeeda mar wada qanciso, iyada oo aan qeexin waxa ay ka rabto mid kasta. Taasi waa meesha ay ka dhalan karto waxa lagu tilmaami karo jahawareer diblomaasiyadeed.
Su’aasha muhiimka ahi ma aha oo keliya cidda Xasan Sheekh la kulmayo; waa waxa uu kulamadaas ka doonayo, sida ay ula jaanqaadaan heshiisyadii hore, iyo sida Soomaaliya uga ilaalinayso danaha qaranka lagu dhextuuro loollanka sii xoogeysanaya ee Geeska Afrika.
GAROWE ONLINE