Xiisad iyo gacan-ka-hadal ka dhashay qorshe uu soo rogay Abiy

Image
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa wali waxa uu ku adkeysanayaan in uu dhaqan-gelin doono siyaasadan cusub.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Laba samafalayaal ah oo u shaqaynayay hay’adda Catholic Relief Services (CRS) ayaa lagu dilay gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya iyadoo ay socdaan rabshado shacab, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay hay’adda.

Chuol Tongyik oo 37 jir ahaa maamule dhanka amaanka ah iyo Amare Kindeya oo 43 jir ahaa darawal ayaa lagu toogtay gobolka Axmaarada xili ay dib ugu laabanayeen magaalada caasimada ah ee Addis Ababa, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay CRS.

Lama oga xogta dhabta ah ee ku saabsan dhimashadooda. Gelinkii dambe ee Isniintii, agaasimaha isgaarsiinta ee CRS Kim Pozniak ayaa sheegay in shilka uu ka dhacay magaalada Kobo.

Dad ku sugan magaalada ayaa ku soo waramaya in la maqlayey madaafiic culus. Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AP, magaalada waxaa Axadii ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo ciidamada gobolka Axmaarada.

Pozniak oo u waramay warbaahinta maxaliga ah ayaa waxa uusan kala caddeyn ama ma uusan sheegin in toogashada ay la xiriirto iska horimaadyo ka dhacay halkaasi.

Qalalaasahan ayaa ka dhashay go’aankii dowladda ay ku kala dirtay ciidanka u gaarka ah 11-ka dowlad goboleed ee ka tirsan dowladda federaalka ah ee dalka, isla markaana la isugu daray ciidamada federaalka.

Mudaaharaadyada iyo dagaalada ayaa saameeyay dhowr magaalo marka laga reebo Kobo dhamaadkii isbuucii hore, oo ay ku jiraan Woldiya iyo Sekota, waxayna Isniintii ka sii socdeen meelaha qaar.

In kasta oo ay rabshaduhu dhaceen, haddana Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ayaa waxa uu wacad ku maray in uu ku sii ambaqaadi doono siyaasadda cusub.

Go’aanka ay dowladdu qaadatay ee ah isku dhafka ciidamada gaarka ah ee goboladda ayaa waxaa lagu tilmaamay isku day lagu dhisayo ciidan midnimo qaran iyo “ciidan xooggan oo dhexe” dalka oo ay colaado qowmiyadeed oo soo jireen ah ka jireen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM