Xildhibaano kusoo labistay dareeska gabdhaha iskuuleyda

Image
Image

LILONGE, Malawi - Dadweynaha reer Malawi ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay baraha bulshada ku wadaagayaan sawirro laga soo qaaday dumar xildhibaanno ah oo usoo labbistay sida gabdho iskuuley ah.

Qaar ka mid ah dadka ka falcelinayaa ayaa muujinaya in ay ku faraxsan yihiin labiska cusub ee mudaneyaasha, halka kuwa kalena aan la dhacsaneyn qaabka ay u soo labisteen.

Baarlamaanka dalka oo ka kooban 193 xubnood ayaa inta badan leh nidaam labis adag, laakiin waxaa loo dabciyay Talaadadii 43 haween siyaasiyiin ah oo ka tirsan golaha.

Xildhibaan Gotani Hara ayaa sheegtay in tilmaantan loola jeedo in fariin adag loogu diro gabdhaha taasoo ah in ay ku guuleysan karaan shaqooyinka adag, "wax walbana ay macquul yihiin".

Daraasado kala duwan ayaa waxay tilmaamayaan in ilaa 15% gabdhaha reer Malawi ay iskuulada ka baxaan ka hor intaysan dhameysan waxbarashada aasaasiga ah.

Sida ku xusan cilmi-baaristan oo ay sameeyeen ururo dhowr ah, sababta waxay salka ku haysaa arrimo kala duwan oo ay ku jiraan saboolnimo, uur ama guur lagu qasbay.

Dadka qaar ayaa madadaalo ka helay qaab labiskan. Mid kamid ah mudaneyaasha waxay xitaa dhalo kusoo qaadatay cunooyinka fudud ee caruurta, gaar ahaan meelaha miyiga ah - taasoo xamaasada badisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Ghana oo lagu daray Liiska Cas ee Interpol

Ofori-Atta, oo la rumeysan yahay inuu dalka dibaddiisa u joogay daawayn caafimaad, ayaa diiday eedeymaha loo soo jeediyay.

  • Afrika

    07-06-2025

  • 09:23AM

Taliyaha AFRICOM: Wuu Dhammaaday Xilligii Afrika Ku Tashanaysay Taageerada Milatari ee Maraykanka

Isbeddelkan siyaasadeed ayaa noqonaya caqabad cusub oo hor taagan dalal badan oo Afrikaan ah.

  • Afrika

    31-05-2025

  • 11:37AM