Zambia: Wasiir is-casilay kadib markii laga duubay muuqaal sir ah

Image
Muuqaalkan aadka u faafay ayaa muujinaya mas'uulkan oo lacag cadaan ah ka qaadanaya ganacsade Shiinees ah.

NAIROBI, Kenya - Wasiirkii arrimaha dibadda ee Zambia, Stanley Kakubo, ayaa shaqada ka tagay ka dib markii lagu eedeeyay in laga duubay muuqaal isagoo helaya tiro lacag ah oo uu ka helay ganacsade Shiinees ah.

Ma uusan inkirin inuu ku jiro muuqaalka.

Taa baddalkeeda, Mr Kakubo ayaa sheegay in uu la kulmayo "dacwooyin xaasidnimo ah oo ku saabsan wax kala beddelasho ganacsi" iskuna casilay si aysan dowladdu "ku mashquulin" muranka.

Muqaalka ayaa muujinaya labo nin oo miis ag fadhiya oo tirinaya lacagta sida wanaagsan loo soo ururiyay, oo isugu jirta Doolarka Maraykanka iyo Kwacha Zambian.

Wajiyadooda ma muuqdo, balse waxay keentay hadal heyn waali ah oo baraha bulshada lagu baahiyay oo ku saabsan in ragga la qabtay ay kala yihiin Mr Kakubo iyo ganacsade Shiinees ah.

Dadka qaar ayaa su’aal ka keenay sababta bankiga loo wareejin waayay lacagtan cadaanka ah ee tiradda badan iyo in canshuur la bixiyay kadib wax kala iibsiga.

Sawirro aan la xaqiijin oo ah qoraallo gacan-ku-qoran isla markaana ay ku saxiixan yihiin labadda dhinac magacyadooda ayaa sidoo kale ka soo muuqday baraha bulshada.

Mid ka mid ah wuxuu sheegay in $100,000 ay "kala badasheen" shirkad Zambian ah iyo shirkad Shiinaha ah oo macdanta ka shaqeysa. Mid kale, oo ku taariikhaysan 8 Luulyo 2022, ayaa sheegay wadarta guud ee $200,000.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM