Zuma oo u hogaansamay xukunka xabsi ee maxkamada
CAPE TOWN, South Africa - Madaxweynihii hore Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa Khamiista maanta ah si iskiis ah xabsi u galay si uu u fuliyo xukunka 15 bilood ah ee ay ku riday maxkamadda ugu sarreysa dalka, sida ay saraakiishu sheegeen.
Saraakiisha xabsiga ayaa xaqiijiyey in Zuma "la qirey inuu bilaabayo dhaqangelinta xukunka 15 bilood ee xabsiga Asluubta ee Estcourt" ee gobolka uu ka soo jeedo ee KwaZulu-Natal.
Waa markii ugu horreysay oo madaxweyne hore xabsi loogu xiro tan iyo midab-takoorkii Koonfur Afrika. Tani waxay imaaneysaa markii Zuma uu maalmihii u dambeeyay waday isku dayo uu doonayey in uu kaga fogaado in uu xabsi galo.
Xukunka ay maxkamada dastuuriga ah u dhiibtay Zuma usbuucii la soo dhaafay ayaa salka ku haya in uu ka diidey baarayaasha la dagaalanka musuqmaasuqa in ay wareystaan, waxaana xukunkiisa uu tusaale u noqonayaa qaaradda, iyadoo xabsi la dhigay madax hore oo dowladeed oo diiday inuu ka jawaabo baaritaanka musuqmaasuqa.
Bilayska ayaa goor sii horraysay Arbacadii ka digay inay diyaar u yihiin inay qabtaan Zuma ugu dambeyn habeenbadhkii si loo fuliyo xukunka, illaa maxkamadda sare ay amar ku bixiso mooyee.
Laakiin aakhirkii hoggaamiyihii hore wuxuu go’aansaday inuu sameeyo go'aankiisa gaarka u ah ee uu xabsiga isugu dhaadhicinayo isaga oo ka fogaanaya in uu ku suntamo hogaamiye diidey sareynta sharciga.
Daqiiqado uun ka hor intaan waqtiga loo qabtay ka dhicin, aasaaskiisa ayaa bartiisa Tweeter-ka ku soo qoray in Zuma uu "go aansaday inuu u hogaansamo amarka maxbuuska" uuna isku dhiibay xarunta dhaqan celinta.
Kolonyo gawaari ah oo la rumeysan yahay inay waddeen Zuma ayaa gurigiisa kaga baxay xawaare sare 40 daqiiqo ka hor waqtiga loo qabtey in uu xabsi u dhaadhaco.
Gabadha uu dhalay Zuma ee lagu magacaabo Dudu Zuma-Sambudla ayaa Twitter-ka ku soo qortay inay "wali ku jiro niyad sare" ayna rajeyneyso inay wali haystaan hab-maamuuskii ay talada dalka ku qabteen. "Waanu salaamaynaa aabbe!," ayay raacisay.
GAROWE ONLINE