Koobka Aduunka: Qadar oo kireysatay markab hotel ahaan u shaqeynaya

Image
Sidda lagu daabacay mareegaha internet-ka ee markabka MSC, qiimaha kiradda waa $470 qofkiiba iyo halkii habeenkii.

DOOXA, Qadar - Markab saddexaad oo nooca dalxiiska ah ayaa waxaa kireystay qabanqaabiyeyaasha Koobka Adduunka ee Qatar Isniintii shalay ahayd, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Sidda ay muujinayaan warbixinada, markabka ayaa loo adeegsan doonaa hotel ahaan waxaana dagaya taageereyaasha xulalka ka qeybgalaya koobka. Markabka ayaa ku xirtay Dekedda Dooxa.

MSC Cruises oo fadhigeedu yahay Geneva ayaa heshiiskan ku dhawaaqday lix todobaad oo kaliya ka hor inta aan la qorshaynayn in Koobka Adduunka uu bilaabmo 20-ka November, 2022.

Sidda lagu daabacay mareegaha internet-ka ee MSC, qiimaha kiradda waa $470 qofkiiba iyo halkii habeenkii waxaana kaliya qofka uu kireysan karaa ugu yaraan laba habeen oo kaliya.

Qatar ma laha huteelo badan oo ay dagi karaan dhammaan kooxaha, shaqaalaha, mutadawiciinta iyo taageerayaasha Koobka Adduunka, waxayna ay ku qasbanaatay in ay abuurto qolal dheeraad ah ayna kireysato maraakiibta.

MSC waxay hore heshiis ula saxeexatay dawladda Qatar 2019 si ay u siiso laba markab oo leh ilaa 4,000 oo qol oo ah huteello dulsabaynaya biyaha maadaama ay fileyso 1.2 milyan oo booqadayaal ah.

Qatar waa wadan ay Muslimiinta ku badan yihiin. Waxaa xadidan cabbitaanka khamriga iyo hoteelada raaxada, laakiin waxay fududeysay shuruucdeeda ganacsi ee xiriirka kubadda cagta dunida ee FIFA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cristiano Ronaldo oo Heshiis Laba Sano ah la Saxiixday Al-Nassr

Ronaldo ayaa dad badan u arkaan inuu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee kubadda cagta abid.

  • Cayaaraha

    27-06-2025

  • 07:06AM

Cristiano Ronaldo: Nolosha Sacuudiga aad baan u jeclaaday, waana dalkaygii labaad

Ronaldo ayaa sidoo kale ka hadlay AlUla, oo ah goob dalxiis oo caan ah oo ku taal Sacuudi Carabiya’ waqooyi-galbeed oo ku taal meel u dhow Khaybar iyo Tayma.

  • Cayaaraha

    15-12-2024

  • 06:22AM