Algeria oo Soomaaliya ka reebtay Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay ku garaacday 3-0
CAPE TOWN – Algeria ayaa noqotay dalkii afaraad ee Afrika ah ee u soo baxa Koobka Adduunka 2026, kadib markii ay si sahlan uga adkaatay xulka Soomaaliya 3-0, ciyaar ka dhacday magaalada Oran ee dalka Algeria Khamiistii.
Mohamed Amoura ayaa labo gool dhaliyay – taasoo ka dhigaysa inuu gaaro 8 gool guud ahaan isreeb-reebka – halka Riyad Mahrez, kabtanka Algeria, uu isna gool dhaliyay.
Guushan ayaa Algeria u xaqiijisay 22 dhibcood iyadoo hal kulan u haray Group G, taasoo ka dhigeysa in aysan cidna ka qaadi karin booska koowaad. Waa markii shanaad ee Algeria ay ka qeybgaleyso Koobka Adduunka, waxaana ugu dambeysay 2014-kii ee Brazil.
Waxaa horey u xaqiijiyay ka qeybgalka: Morocco, Tunisia iyo Masar, iyada oo mid walba ka soo baxday group-keeda.
Sida ay goolasha ku dhaceen:
Daqiiqadii 7aad, Amoura ayaa furay goolka, kadib markii baas uu ka helay Mahrez uu u suurageliyay inuu si sahlan u dhaliyo isagoo kali ah.
Mahrez ayaa isna shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 19aad, isagoo ciyaarta ka dhigay 2-0.
Amoura ayaa dhaliyay goolkiisii labaad daqiiqaddii 57aad, markale Mahrez ayaa ka caawiyay.
Ciyaarta ayaa ahayd mid ay Soomaaliya marti u ahayd, balse waxaa lagu qabtay Oran maadaama aysan Soomaaliya heysan garoon ay FIFA aqoonsan tahay, taasoo fursad u siisay Algeria in ay horay taageereyaal badan ugu dabaaldegto.
UGANDA oo Labaad Noqotay, Guinea oo Dhaqaaqday, Namibia oo Dhibban
Xulka Uganda ayaa xoojiyay rajadooda kadib markii ay 1-0 kaga adkaadeen Botswana, goolka waxaa dhaliyay Jude Ssemugabi bilowga qeybtii labaad ee ciyaarta ka dhacday Francistown.
Guushaas ayaa Uganda ka dhigeysa inay saddex dhibcood ka sareeyaan Mozambique, kuwaasoo 2-1 looga badiyay gurigooda magaalada Maputo. Abdoul Karim Traore, 18 jir u ciyaara Guinea, ayaa labo gool dhaliyay – mid daqiiqaddii 2aad iyo mid kale daqiiqaddii 59aad.
Dhanka kale, Namibia ayaa lumisay fursado muhiim ah kadib markii ay 3-1 guuldarro kala kulantay Liberia. Ayouba Kosiah ayaa rigoore dhaliyay daqiiqaddii 3aad, waxaana uu gool kale raaciyay Sulahmana Bah sagaal daqiiqo kadib.
GAROWE ONLINE