Ciyaaryahan caan ah oo dal looga musaafuriyey talaal la'aan

Image
Xidigan ayaa ku guuldareystay isku-day sharci uu kaga hor-tagi lahaa tarxiilkan.

CANBERRA, Australia - Novak Djokovic ayaa ka tagay Australia fiidnimadii Axada markii uu ku fashilmay dalabkiisii ​​​​ugu dambeeyay ee ahaa inuu ka fogaado masaafurinta uuna ciyaaro Australian Open inkastoo aan laga tallaalin COVID-19.

Maxkamad si gaar ah u maamuleysay kiiskan ayaa goor sii horeysay waxay cod dheer ay ku diidday loolanka sharci ee xidigan kaalinta koowaad kaga jira  ciyaaraha tennis-ka ee ah in la kansalo fiisihiisa.

Djokovic, oo ah 34 jir u dhashay Serbia, ayaa sheegay inuu "aad uga xun yahay" xukunka balse uu ixtiraamayo. Waxa uu ka dhoofay diyaarad ay leedahay Imaaraadka oo ku sii jeeday Dubai, isla magaalada Imaaraadka Carabta oo uu uga soo duulay Australia.

Djokovic oo af-saab xiran ayaa lagu sawiray qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha ee Melbourne isaga iyo laba sarkaal oo ka tirsan dowladda oo ku labisan darees madow.

Waxa uu ku guuleystay rikoor sagaal koob oo Australian Open ah, oo ay ku jiraan seddex isku xigta, laakiin markan xitaa ma heli doonaan fursad uu isku day u sameeyo.

"Aad baan u ixtiraamayaa go’aanka Maxkamadda, waxaana la kaashan doonaa hay’adaha ay khuseyso arrimaha la xiriira ka bixitaankeyga dalka,” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray.

Amarka masaafurinta badanaa waxaa ku jira mamnuucid saddex sano ah in uu lagu soo. laabto Australia. Seerbiya, madaxweyne Aleksandar Vucic wuxuu sheegay in dhageysiga dacwaddu ay tahay "wax been abuur ah oo been badan".

Laakiin gudaha Australia, Ra'iisul wasaare Scott Morrison wuxuu soo dhaweeyay waxa uu ku tilmaamay "go'aanka lagu ilaalinayo xuduudaheenna iyo badbaadada Australiyaanka". Qadiyaddan waxay ciwaan u noqotey saxaafadda caalamiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pep Guardiola oo qiil u yeelay guuldarooyinka Man City

City waxay isku diyaarineysaa kulan muhiim ah oo ay Liverpool ku wajahayaan Anfield, iyadoo rajeynaysa inay joojiso hoos-u-dhaca taariikhiga ah.

  • Cayaaro

    24-11-2024

  • 04:55AM

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM