Saddex arrimood aad u baahan tahay in aad ka ogaato Qatar 2022
DOOXA, Qadar - Dalka Qatar ayaa lagu wadaa in uu marti-galiyo koobka aduunka waxa uuna noqonaya dalkii ugu horeeyay oo Muslim ah ee koobkan lagu qabto.
Inkastoo dalkani si weyn ugu diyaar garoobay qabashada koobkan hadana waxaa lasoo sheegayaa in ay jiraan caqabado soo foodsaaray qabanqaabiyeyaasha dhinaca meelaha la dagayo.
Dalka Qadar oo aad u yar, ayaa sidoo kale noqonaya dalkii ugu yaraa ee martigeliya koobka dunida, halkaas oo ay isugu imanayaan taageerayaal iyo ciyaaryahanno ka kala socda illaa 32 waddan, kuwaas oo la filayo inay ka qaybgalaan ciyaaraha koobka dunida oo lagu kala qabanayo illaa sideed garoon oo ku hareeraysan caasimadda Doha.
Muhiimada ay leedahay in cayaaraha lagu qabto dal yar ayaa ah in taageerayaasha ay si fudud u gaadhi karaan dhammaan garoomada ay cayaaruhu ka dhacayaan, maadaama ay aad isugu dhow yihiin, halka sannadihii hore ee lagu qabtay koobka dunida dalalka Ruushka iyo Brazil, ay taageerayaashu isticmaalayeen duulimaadyo kala duwan si ay u gaaraan garoomada oo ku kala yaallay magaalooyin kala durugsan.
Hase ahaatee waxaa caqabad xooggani ka taagan tahay dhinaca hotelada ay dagi lahaayeen dadka, halkaas oo lagu qiyaasayo in illaa 1.2 million oo taageerayaal ahi ay soo booqan doonaan si ay u daawadaan ciyaaraha koobka dunida ee soconaya muddo 28 maalmood ah.
Madaxweynaha ururka FIFA Gianni Infantino oo xilka qabtay ka dib markii la go’aamiyey in dalka Qatar uu martigeliyo koobka dunida, ayaa markii hore isku dayey inuu sahmiyo sidii dalal kale oo gobolka ku yaallaa ay martigelinta ula wadaagi lahaayeen dalka Qatar balse qorshahaas ayaa markii dambe meesha laga saaray.
Madaxweynaha FIFA ayaa isagu weli niyadda ku haya in taageerayaasha ka soo qaybgelaya koobka dunidu in ay fursad u helaan inay booqdaan wadamada kale ee Carabta.
"Dalka Qatar wuu soo dhoweynayaa wuuna martigelinayaa qof walba oo raba inuu joogo, laakiin sidoo kale waxaa suuro gal ah, in qofkii rabaa uu maalin ku soo qaadan karo Dubai, Abu dhabi, Muscat, Riyadh, Jedda ama magaalo kasta oo gobolka ku taalla," ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
Qaban-qaabiyayaasha ayaa ku xadiday in taageerayaasha lagaga kireeyo $120 hotelada illaa 3 xidigoodka ah. Golaha sare ee adeegga dalka Qatar ayaa ballan qaaday inay diyaar noqonayaan illaa 130,000 oo qol iyo illaa 60,000 oo isugu jira guryaha kooban ee la dego (Apartments) iyo illaa 4000 oo qolaalka raaxada ah.
GAROWE ONLINE