FAALO: Dib-u-Yeerista Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Waa Inay Horseeddaa Faragelin Siyaasadeed oo Adag
FAALADA WARKA| Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sida wararka la helayo sheegayaan ka mid ah diblomaasiyiinta ay dhawaan dib ugu yeertay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli xasaasi ah oo marar badan kusoo noqnoqata jadwalka siyaasadda Soomaaliya—xilli uu dhammaanayo muddo-xileedka Dowladda Federaalka, iyadoo weli uusan jirin heshiis qaran oo lagu wada qanacsan yahay oo ku saabsan nidaamka doorasho ama jihada siyaasadeed ee dalku aadayo.
Isku-beegnaan sahlan ma aha . Soomaaliya waxay gaartay marxalad muranka siyaasadeed ee dhammaadka muddo-xileedyada uu noqday wax caadi ah. Sanad kasta, hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed waxay ku laabtaan isla doodihii hore—qaabka doorashada, waqtigeeda, iyo fasiraadda dastuurka—iyadoo dalka uu ku sii jiro xaalad kala-guur joogto ah.
In ka badan soddon sano kadib burburkii dowladnimada, wax isbeddel aasaasi ah ma muuqdo. Soomaaliya wali si buuxda ugama soo kaban burburkii hay’adaha dowliga ah, taasina waxay noqotay masiibo qaran. Waa nasiib darro sii socota inkastoo ay jireen dadaallo caalami ah oo joogto ah.
Muddo dheer, Mareykanka wuxuu ku bixiyay kharash ballaaran—dhaqaale, ciidan, iyo taageero diblomaasiyadeed—si Soomaaliya ay mar kale ugu istaagto cagaheeda. Canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka ayaa maalgeliyay hawlgallo amni, dhisidda hay’ado, iyo gargaar bani’aadannimo. Si kastaba ha ahaatee, natiijooyinka laga gaarey weli waa xaddidan yihiin.
Haddii uusan jiri lahayn taageerada millatari iyo midda sirdoon ee Mareykanka, dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ma sii socdeen. Xaqiiqadu waa wax cad: haddii Mareykanku ka maqnaan lahaa, kooxdaasi waxay la wareegi lahayd guud ahaan Koonfurta Soomaaliya iyo caasimadda mar hore. Guulaha amni waxay keliya oo ku hayaan xaaladda dalku ineysan is badalin oo uusan dalku qabsan Al Shabaab ee —ma xallinayaan dhibaatooyinka kale ee dalku wajahayo.
Dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya waa mid siyaasadeed.
Guuldarradu waxay tahay sodonkii sano ee la soo dhaafey Soomaaliya ma soo saarin hoggaan siyaasadeed ee dalka ka saari kara marxaladaha kala-guur ah. Siyaasiyiin badan ayaa diiradda saaraysa kursi, awood, iyo dan gaar ah, halkii ay dhisi lahaayeen hay’ado, ixtiraami lahaayeen heshiisyada qaranka , ama u diyaarin lahaayeen dalka soo kabasho dhab ah. Taasi waxay keentay in gargaarka caalamiga ah uu noqdo mid kumeel-gaar ah, oo aan wax ka beddelin jihada guud ee dalku aadayo.
Dhinaca kale ma sameyneyso wax macno ah hadalada ka soo yeeraya Washington kuwaas oo hoos u dhigaya sumcadda dadka Soomaalida ah xilli dowlada Mareykanka malaayiin iyo balaayiin ku bixineyso sidii Soomaaliya looga ilaalin lahaa burbur - Hadaladaan waxa kaliya oo ay jahawareer ku ridayaan kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ku qabi karo qorshayaasha fog ee dowlada Mareykanka ka leedahay Soomaaliya.
Sidaas darteed, dib-u-yeerista safiirka Mareykanka waa in aan loo arkin kaliya is beddel lagu sameeyey diblomaasi. Waa in loo arkaa fursad dib-loogu-qiimeyn karo doorka Washington ku leedahay Soomaliya.
Waxaa la joogaa waqtigii dowladda Mareykanka—gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda—ay si toos ah oo adag ula wareegi lahayd jihada siyaasadda Soomaaliya. Soomaaliya uma baahna in dib uga-noqosho. Waxay u baahan tahay faragelin siyaasadeed oo cad, xooggan, isla markaana wadata isla xisaabtan.
Washington waa in ay soo magacawdaa safiir leh awood siyaasadeed oo dhab ah—mid wajihi kara murannada dib u dhiska dalka wax- yeelaya, ku riixi kara hoggaamiyeyaasha heshiis, kana hortagi kara ila-meeraysiyada siyaasadeed ee aan micnaha lahayn. Diblomaasiyaddu waa inay noqotaa mid wax beddesha, ma aha mid wax uun daawaneysa.
Sidoo kale, waa in si adag loogula xisaabtamaa hogaamiyaasha dalka dhaqaalaha ballaaran ee lagu shubayo Soomaaliya. Mareykanku xaq ayuu u leeyahay—waana waajib—inuusan aqbalin natiijo la’aan. Waxaa marar badan dhacday in madaxda ku sugan Villa Somalia ay fursadaha dhaqaale iyo kheyraadka dalka kula heshiiyaan iney la soo baxaan dalal aan wax maalgelin ah ku lahayn Soomaaliya xiligaan adag oo ay ku jirto, halka la iska indho-tiro saaxiibbada bixiya kharashka badbaadinta dalka. Tani ma sii socon karto.
Dhibaatada Soomaaliya ma aha taageero la’aan caalami ah. Waa hoggaan aan lala xisaabtami karin.
Haddii Mareykanku sii wado maalgelinta Soomaaliya isagoo aan la xisaabtamin mas’uuliyiinta siyaasadeed ee dalka way adkaaneysaa in isbadal yimaado. Dib-u-yeerista safiirka waa in ay noqotaa is-beddel dhab ah. Soomaaliya waxay u baahan tahay diblomaasiyad adag, shuruudo cad wata iyo hoggaan u adeega shacabka—ee ma aha mid ka shaqeeya dano gaar ah islamarkaana hela tageero caalami ah oo aan lagula xisaabtamin.
Ogaal-tifaftireedkan wuxuu ka tarjumayaa aragtida Garowe Online, waxaana loogu talagalay in lagu soo jeediyo dareenka dowladda Mareykanka—gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka—madaama dalkeenu wajahayo hubanti la’aan siyaasadeed.
Waxaana saldhig u ah sidii loo heli lahaa hogaan lala-xisaabtami karo muddada lagu jiro dib u soo kabashada muddada dheer qaadatay ee dalkeena Soomaaliya.
GAROWE ONLINE