Ma Aqoonsi Somaliland baa mise waa Hoggaankii Soomaaliyeed oo horey u Fashilmay?
FAALADA WARKA| In Somaliland raadiso aqoonsi ma aha arrin ku timid saacado ama maalmo gudahood. Somaliland waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991, taas oo ka dhigan in doodda maanta taagan ay soo jirtay ku dhowaad 34 sano. Mudadaas dheer gudaheed, ma jirin hoggaan Soomaaliyeed oo ka dhigay mudnaanta koowaad dib-u-heshiisiin dhab ah, wada-hadal qaran, iyo dadaal mideysan oo lagu soo celinayo midnimo Soomaaliyeed oo ku dhisan is-qancin iyo wada oggolaansho.
Tan iyo markii laga gudbay xilligii dowladihii ku-meel-gaarka ahaa (2000–2012), hoggaanka siyaasadeed ee Soomaaliya wuxuu si weyn ugu ekaaday magaalada Muqdisho, isaga oo inta badan galay khilaaf siyaasadeed iyo mid sharciyeed oo la xiriira Dastuurkii ku-meel-gaarka ahaa ee ay wada sameeyeen qaybaha kale ee dalka ee weli isku harsanaa. Halkii dastuurkaasi u noqon lahaa saldhig mideeya qaranka, wuxuu marar badan noqday goob dagaal siyaasadeed.
Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya kadib, dalka wuxuu qaatay nidaamka Federaalka ah, kaas oo xilligaas loo arkayay habka kaliya ee lagu ilaalin karo midnimada dalka iyo wadajirka dhuleed. Si kastaba ha ahaatee, nidaamkaas waxaa si taban u adeegsaday siyaasiyiin xilal ka qabtay Dowladda Federaalka, kuwaas isku ekeysiiyey aqoonsiga caalamiga ah iyo kheyraadka dibadda ee Soomaaliya, iyaga oo aan u adeegsan sidii loo dhisi lahaa kalsoonida iyo wada-noolaanshaha Soomaalida kale ee ka baxsan caasimadda.
Kala fogaanshaha hoggaanka Muqdisho iyo Soomaalida kale ee isku hartay, iyo maqnaanshaha rabitaan siyaasadeed oo dhab ah, waxay sababtay in Somaliland ay sii fogaatay rajadii ay dib ugu noqon lahayd midnimo Soomaaliyeed. Arrintan waxaa sii xumeeyay amni-darro, is-qabqabsi siyaasadeed, iyo nidaam doorasho oo aan la isku raacsaneyn oo ka jiray intii ku hartay dalkii la oran jiray Soomaaliya.
Madaxda Soomaalida ee mar walba Villa Soomaaliya joogta iyo howl-wadeennadooda huwan magaca qaranka balse aan ku shaqeyn, waxay mar walba ilaawaan in Muqdisho caasimad ku tahay jiritaanka dalkii la oran jiray Soomaaliya.
Dhanka kale, isbeddelka ku yimid nidaamka caalamiga ah ayaa door weyn ka ciyaaray xaaladda maanta taagan. Hoggaanka Somaliland oo muddo dheer raadinayay ictiraaf, ayaa ka faa’iideystay isbeddellada ku yimid siyaasadda caalamka, gaar ahaan hoos u dhaca saameynta hay’adihii caalamiga ahaa sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo Jaamacadda Carabta. Maamulka hadda ka jira Washington ayaa si cad u muujinaya in danaha gaarka u ah qarankiisa ay ka hormarinayaan hab-raacyadii caalamiga ahaa ee hore loo wada tixgelin jiray.
Tallaabada Israa’iil qaadday oo ay ku sheegtay inay aqoonsatay Somaliland waa mid ay kaga faa’iideysanayso booskii ay baneeyeen dalalka dariska la ah Soomaaliya ee dhanka badda, taas oo keentay in Dalka Israa’iil fursaddaas qaato kana faa’iideysto halka ay ku taal istaraatiiji ahaan Somaliland – guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa ku yaalla goob istaraatiiji ah, gaar ahaan Somaliland iyo Puntland oo ku yaalla badaha ugu muhiimsan caalamka.
Iyadoo xaaladdan taagan tahay, waxa waajib ah in dowladda Federaalka ah ee muddo-xileedkeedu gabaabsiga yahay, iyo siyaasiyiinta u soo durbaan tumanaya inay xilka kala wareegaan kuwa hadda jooga, ay si dhab ah uga taliyaan masiirka Soomaaliyada kale oo isku hartay. Haddii taas la waayo, waxaa halis ah in dalkii la oran jiray Soomaaliya meel fog laga dooni doono.
GAROWE ONLINE