Awooda aan "la isticmaalin" ee taliska ATMIS ee laga faa'idieysan karo

Image
Ciidamadda Midowga Afrika ayaa waxaa ku baxa "dhaqaalaha ugu badan ee aduunka ku sheeganayo Soomaaliya".

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka madaxwayne Xasan Sheekh waa in uu ka faa'iideysto saanada iyo hubka ay haysato ATMIS ee aan la isticmaalin shantii sano lasoo dhaafay, sidda uu ku taliyey khabiir dhanka amniga ah.

Cabdisalaam Guuleed oo u waramay Garowe Online Twitter Space ayaa carabka ku adkeeyay in howlgalka ATMIS uu ku baxo "dhaqaalaha ugu badan ee aduunka ku sheeganaayo dadka Soomaaliyeed".

"ATMIS waa ciidamo ajnabi ah oo u jooga in ay dowladda isticmaasho. Amar in la siiyo kaliya ayay u baahan yihiin. Sababtaas darteed ayaysan wax howlgal ah u qaadin shantii sano lasoo dhaafay in lasoo weeraro maahee," ayuu xusay.

Sida laga soo xigtey Guuleed oo soo noqdey taliye ku xigeenka hay'adda sirdoonka qaranka ee NISA, halganka haatan ka socda dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab "waa mid soo celinaya sumcadda qof kasta oo Soomaali ah".

"Waxaan kula talinaa dowaldda  madaxwayne Xasan Sheekh iyo Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre in bilaha soo socda ay ka faa'iideystaan saanada iyo hubka ay haysato ATMIS," ayuu cod dheer kusoo jeediyey.

Guuleed ayaa dhanka kale wuxuu ku tartarsiiyey hogaanka cusub ee dalka in uu waqti badan geliyo sidii uu talada u baahin lahaa isla markaana uusan albaabadda kasoo xiran dadka Soomaaliyeed ee jooga dala iyo dibadda.

"Dowladda ma ahan tobban qof ee is yaqaan, labaatanka qofood ee is yaqaano ma ahan. Dowladda waa Soomaali oo dhan, albaabadana waa in ay u furan yihiin dadka oo dhan - gudaha dalka iyo dibadda," ayuu tibaaxay.

Milatariga Soomaaliya oo taageero ka helaya dadka degaanka goboladda Hiiraan, Galgaduud iyo Baay ayaa maalmihii lasoo dhaafay Al-Shabaab kala wareegay in ka badan 30 degaan isla markaana ka dilay in ka badan 200 maleyshiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Xasan Sheekh Maxamuud oo looga digay "khiyaano qaran"

Dhambaalkan ayaa imaanaya kahor wadahadalka la filayo inuu ka furmo dalka Turkiga.

  • Fikradaha

    11-08-2024

  • 07:20AM

Xasan Khayre: Madaxweynaha waa inuu raaligeliyo dhalinta

Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya ayaa ka falceliyay hadalkii Xasan Sheekh ku weeraray dhalinyrada.

  • Fikradaha

    10-08-2024

  • 12:26PM