Casharka Soomaaliya ka baran karto is-casilaada Matt Hancock
Matt Hancock wasiirka caafimaadka Ingiriiska ayaa shalay xilka iska casilay ka dib markii uu dhunkaday haweenay la shaqaynaysay, taasoo uu ku jebiyey habraacyadii loo dejiyey in lagu dhowro ka hortagga Caabuqa Karoonaha.
Horay sanadkii 2004-tii wasiirkii arrimaha gudaha Ingiriiska David Blunkett ayaa xilka iska casilay kaddib markii uu dedejiyay iqaamad loo cusboosiinayey adeegto reer Filibiin ah oo shaqaale u ahayd haweenay ay David saaxiib ahaayeen.
Labadan Wasiir xilka lagama qaadin ee iyaga ayaa isceebsaday kaddib markii ay garawsadeen in ay munkar siyaasadeed wayn ku dhaceen.
Waxaa is waydiin mudan Soomaaliya maxaa munkar siyaasadeed ka’ah? Dadku maxay ku diidaan, ku nacaan, ama ugu yaraan ku dhibsadaan siyaasiyiinta oo Tuke canbaar leh ka dhiga?
Ma in uu sharci iyo habraac jebiyaa? Ma inuu awoodda ku takrifalaa? Ma in uu hantida dalka boobaa? Ma in uusan mabda’a iyo mowqifba lahayn oo meeshii ay ka bisishahay taaganyahay baa?
Ma in uu anshax xumi bulsho dhex dabaashaa? Maxaa Munkar siyaasadeed ah? Maxaa meel ka dhac iyo gaboodfal ah? Ma jiraa xayndaab uusan siyaasigu ka tillaabi karin? Ama xeer uusan ku xadgudbi karin?
Hadii aysan intaas oo idil jirin, siyaasiga Soomaaliga ahi waa xor, wax uu dhowrayana waa intii uu damiirkiisa shakhsiga ahi ka celiyo.
Britain waa bulsho uu u degsanyahay halbeeg ay ku ilaaliso habdhaqanka, anshaxa, dadnimada, waxqabadka, mowqifka iyo mabada’a ku sugnaashaha iyo xeerdhowrista siyaasiga, taas ayaana ka dhigaysa in shacabku awoodda leeyahay, siyaasiyiintu ka baqo.
Soomaaliya, maadaama uusan jirin halbeeg caynkaa ah, shacabku awoodda ma leh ee siyaasigaa leh, hadbana halkii uu dhigo ayey oollayaan. Waa halkii ay kaga maahmaahi jireen Soomaalidu “Lax waliba shillinkii ay is dhigto ayaa lagu gowracaa”
Awoodda shacabku afka ma aha waa in ay institutions (hay’ado) tahay.