"Dhaqan-xumada" siyaasadeed ee taliska Farmaajo abuuray
MUQDISHO, Soomaaliya - La dagallaanka argagexisada, Ameerika waxay ugu kacday dhimashada 7 kun oo askari, 50 kun oo dhaawac ah, iyo ku dhowaad 30kun oo dagaalka ka soo laabtay oo iyagu is dilay.
Waxaa kaloo dhintay boqollaal kun oo Afgaanistaan iyo Ciraaq u dhalatay, halka uu dagaalka argagexiso la dirarka uu sababay qaxooti gaaraya 37 Milyan. Ku dhowaad $7 trillion oo qarash ahna Ameerka way uga baxday.
Sanadkii 2018 ayaa mudnaanta koowaad ee halista amniga qaranka Maraykanka laga raray argagexisada, loona wareejiyey Shiinaha.
Laga soo billaabo xilligaa dib u eegis ayaa ku socota mudnaantii uu Ameerika u lahaa dagaalka argagexisada lidka ku ah. Isbedelka ka dhacay Afgaanistaan taas ayuu salka ku hayaa.
Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka qaybta ka ah la dagalaanka argagexisada. Sanadkii hal bilyan oo doolar ayuu aduunku ku bixiyaa.
Beesha caalamka dhowr jeer ayey ku baaqday in la qabto doorasho kalsooni, (Credibility) leh oo ay natiijadeeda taageeri karaan.
Madaxda Soomaalidise si taa ka duwan ayey u fekerayaan. Waxay doonayaan in ay qabtaan doorasho natiijadeeda la sii ogyahay.
Waxay ku doodayaan in ay soo saaraynaa dad rabitaankooda ku shaqeeya, halkii ay farta ugu fiiqaana aada. Waxay sheeganayaan takrifal awood, musuq iyo boob. Welibana Awoodda ay ku tiirsann yihiin, ictiraafka diblomaasiga ah iyo hantida ay isku halaynayaan shisheeyaha ay fariintooda dhegaha ka furaysteen ayaa badankeed leh.
Waa run in rajiimkii uu Farmaajo afartii sano ee tagtay hoggaaminayey uu abuuray dhaqan xumo siyaasadeed ee ku dhisan kala qaybin, sumcad dil, awood sheegasho, iyo cabsi gelin la mid ah tii argagexisada, laakiin taasi kama dhigna in dhaqankiisii mid la mid ah la isaga celiyo ama damac shakhsi sidaas lagu meelmariyo.
Madaxda Soomaalida haddii ay aqrin waayaan dareenka shacabka iyo isbedelka siyaasadeed ee adduunka, waxay u badan tahay in ay dalka meel cidla ah ku furaan, ama ay gacan argagexiso ku ridaan.