Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan
MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya, kaliya dhowr kun oo qof ayaa u codeeyay baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.
Sababtu waxay tahay Soomaaliya waxay isticmaashaa nidaam siyaasadeed oo adag iyo mid dadban, xisbiyada siyaasaddana doorasho kuma tartamaan. Mana dhacdo doorasho hal qof iyo cod ah.
Taas bedelkeeda, 275-ta xubnood ee golaha shacabka waxaa soo xulaya ergo ay soo magacaabeen odayaasha beelaha iyo xubnaha bulshada rayidka ah oo ay soo xulayaan madaxda dowlad goboleedyada.
Xildhibaanada ayaa markaas u codeynaya madaxweyne, kaasoo dalka hogaamin doona. Doorashada noocaan ah waxaa hareeya musuq-maasuqii baaxadda lahaa, ku takri-fal awoodeed iyo tixgelin la’aantii xeerarkii doorashada.
Waxaa la rumeysan yahay in malaayiin dollar lagu qarash gareeyay iibsashada ergooyinka xaaladaha qaarkood.
Ma dhici kartaa doorasho qof iyo cod ah?
Hogaamiyeyaasha siyaasada Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku heshiiyey in la qabto doorasho hal qof iyo cod ah, balse waa ay ku guul dareysteen ballantii ay qaadeen.
Taasi la yaab may ahayn, maadaama qaar ka mid ah shuruudaha muhiimka ah - oo ay ku jiraan diiwaangelinta xisbiyada siyaasadda iyo ansixinta dastuurka cusub ee afti - ma dhicin.
Ma cadda ilaa xadka ay noqon doonto mudnaanta dowladda soo socota, oo ay la kulmi doonaan caqabado badan oo waaweyn.
Mar kale, nidaamka haatan jira wuxuu bilaabay olole uu ku sheegayo inuu qabanayo qof iyo cod hase ahaatee amniga iyo diidaan-gelin shacab oo aan la qaban waa caqabad wali aan la xalin.
Sikastaba ha ahaatee, dadka ka faallooda siyaasada Soomaaliya ayaa rumeysan in qabashada doorasho qof iyo cod ay madaxa u adeegsadaan aalad xukun dheereysi balse aan shaqeyn doonin.
GAROWE ONLINE