Puntland: Madaxwayne akhri qodobka 80-aad!
GAROWE, Puntland - Wadatashiyo badan oo ay yeesheen cuqaasha, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, ganacsatada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Waqooyi Bari Soomaaliya, waxaa lagu go’aamiyey in magaalada Garoowe lagu qabto shir loo wada dhan yahay, oo ujeedadiisu ay ahayd in laga tashado ayaaha dadka degan deegaanada Waqooyi Bari Soomaaliya iyo in la dhiso maamul dowlad gobolleed. Taas oo ay ka dhalatay Dowlad Gobolleedka Puntland sannadkii 1998.
Heshiiska bulshadaasi ay ku gaartay in dowlad gobolleed lawada yagleelo 1998, waxaa saldhig u haa Axdi nidaaminaya qaab dhismeedka dawladda, sidoo kale si ku meel-gaara u ahaanaya Dastuurka Maamulka Puntland, una sii gogol xaadha in la helo dastuur afti dadwayne loo qaado, sida ku cad qodobka 35aad ee axdigaa.
Sida uu qeexayo Xeerka 1aad ee axdiga ku meel-gaarka ah ee lagu dhisay Puntland waxaa shirkaas kasoo baxay Dawlad Gobelleed leh saddexda awooddood ee dawladda kalana ah Golaha Wakiilada (legislative), Golaha Xukuumadda (executive) iyo Garsoorka (Judiciary)[1].
Sanadkii 2009 ayaa la asnixiyey dastuur loo dhanyahay, looguna wan-qalay inuu yahay sharciga ugu sareeya dowlad goboleedka sida ku cad qodobka 138aad ee Dastuurka Puntland:
“Dastuurka Puntland waa sharciga ugu sareeya Puntland, marka laga reebo shareecada islaamka. Xeer, xeer hoosaad iyo wareegta kasta oo fulineed, oo kasoo horjeeda shareecada islaamka iyo Dastuurka Puntland waa waxba kama jiraan”.
Dastuurku wuxuu tilmaamayaa mabaadii guud oo wax tar u leh maamul wanaaga sida qaab dhismeedka dawladda, xuquuqaha asaasiga ah ee muwaadinka, dhaqaalaha iyo hanaanka maamulka Puntland. Sidoo kale dastuurku wuxuu yagleelaya hay’addo madaxbanaan oo ka shaqaynaya hubinta daba galka iyo ka go’aan gaarida shaqada loo xilsaaray, waxaana kamida:
1) Hanti dhawrka guud,
2) Hay’adda doorashada, iyo
3) Difaacaha Xuquuqul Aadanaha iyo kuwa kale.
Waxaa kaloo kamida gudiyo uu dastuurku awooddooda qorayo sida:
Hay’adda Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland
Horumarka dalku waxaa udub dhexaad u ah helitaanka shaqaale (human capital) lagu soo xulay nidaam tartan furan, oo leh aqoon iyo khibrad, islamarkaana hannan kara wax qabad la taaban karo, oo lagula xisaabtamo, ayna ka maqan tahay eex, qabiil iyo dano gaar ah.
Hadddaba guud ahaan Soomaaliya oo qaadatay nidaamka federaalka, kana kooban dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyo, dhamaantood leh sadexda awooddood ee la rabay in ay si siman, oo ku qotanka sharciga, iskorjoogteyn iyo daahfurnaan u wada shaqeeyaan, ayaa waxa awood dheeraad ah oo aan meelna kaga jirin dastruurka DFS iyo kuwa dowlad gobolleedyada, u shaqaysa qeybtii fulinta, oo ku takri fal awooddeed ku dhaqanta (abuse of power).
Si aan arintan u iftiimino, tusaalle ahaan waxaan maqaalkan si gaara ugu eegi doonaa, Puntland oo ah Dowlad gobolleedka uga da’ada weyn dowladdaha xubinta ka ah DFS, sida aysan ugu dhaqmin dastuurka Puntland, gaar ahaan shaqaaleynta madaniga ( Civil Servants), sida uu dhagayo a qodobka 80-aad ee Dastuurka Puntland, oo noqday qodob uu madaxweynuhu waxkasta u soo daliishado, tixraacna uu ka dhigto, isagoo ku takrifalaya awooddo hay’addo kale leeyihiin. Qeybta danbe ee maqaalkan ayaynu ku faahfaahn doonaa xadgudugbkaasi.
Hay’adda Shaqaalaha Rayidka ah “Civil Service Commission”
Shaqaalaha Rayidka ah waa hawl-wadeenada dawladda ee masuulka ka ah qorshayaasha iyo hiigsiga dawladda, si shacabka loo gaarsiiyo adeegyada dawladda iyo dhammaan arrimaha lagu xaqiijin karo hanaan dawladeed oo waxtar leh.
Guddiga shaqadiisu waa:
Soo xulida shaqaale taya leh oo ka shaqeeya xarumaha dawladda, kuwaasoo lagu soo xushay tartan furan oo ku salaysan aqoon iyo karti,
1: Inuu hirgeliyo hannaan iyo hab toosan oo kor loogu qaadayo doorka wax-u qabad iyo daryeel ee nolosha shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland, si waafaqsan Xeerarka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda Puntland,
2: Inuu xoojiyo isku duubnida, isku xirnaanshaha iyo iska warqabka Shaqaalaha Rayidka ah iyo
3: Inuu wacyigeliyo lana socodsiiyo Shaqaalaha hadba meesha ay marayso xaalada dalku[2].
Dastuurka Puntland qodobkiisa 128-aad ayaa dhigaya Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland waxayna leedahay faqradiisa 1aad “Saraakiisha Dawladda iyo Shaqaalaha Rayidka ahi waxay u adeegaan dadwayanaha iyo Dawladda Puntland, umana daneeyaan garabyo siyaasadeed iyo kooxa gaara ah waxaana ay xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka iyo shrciyada Puntland…..”.
Waxaa kaloo jira laba xeer oo iyaguna kala ah Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland (Sharci Lr.11 ee 01/10/2018) ujeedadiisuna tahay in lagu sugu aragtida siyaasadeed iyo maamuleed ee dawladda Puntland ka yeelan karto horumarinta iyo habsami-u-socodsiinta shaqada dawladda iyo daryeelka suuban ee shaqaaleheeda[3], iyo Sharciga Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland (Sharci Lr. 2 ee 10/08/2019) Ujeedadiisuna tahay in xeerkan lagu asaasay Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland. Sidoo kale wuxuu caddaynayaa shaqaalaha Guddigani leeyahay maamulkooda iyo maarayntooda inuu yahay Shaqaalaha Rayidka ah ee uu qeexayo Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland[4].
Haddaba si guud labadan xeer midna wuxuu ka hadlayaa Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland sida: 1) habka lagu xulanayo, 2) shaqadooda, 3) madaxbanaanidooda, 4) qaab dhismeedkooda iyo qodoba kale.
Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland wuxuu awoodda saaraya habraaca loo marayo shaqaalaysiinta shaqaalaha, fasaxyada shaqaalaha, anshax marinta iyo arrimo kale.
Habraaca loo marayo shaqa xulista shaqaalaha
Dastuurka dawladda Puntland qodobkiisa 128 faqradiisa 2aad waxay leedahay
"Saraakiisha iyo shaqaaalaha dawladda waxa lagu qaadanayaa tartan furan, oo ku salaysan aqoon karti, loogumana kala eexan karo tixgelin la xiriirta kala raacsanaanta siyaasadda, sukeeyenimo, iyo xiriir saaxiibtinimo”.
Sidoo kale qodobka 3aad, faqradiisa 1aad ee Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland wuxuu dhigayaa: “Shaqaalaha dawladda waxaa lagu qorayaa laguna qaadanayaa hab ku salaysan aqoon iyo karti si ay u sahlanaato gudashada shaqada joogtada ah ee dawladda Puntland”.
Labadan qodob ee dastuurka iyo Xeerka Shaqaalahuba waxay isaga makhraanti kacayaan in nidaamka loo marayo Shaqaalaha Rayidka ah ay tahay nidaaam daah furan, dadku u simanyihiin, oo eex iyo nin jeclaysi ka maran.
Haddaba bal aynu dul faahfaahin ka bixino habkaa hufan ee xeerku inoo sheegayo looguna talagalay in loo maro kala xulashada Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntlnad.
Sida ku cad qodobka 9aad ee Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland hay’addaha dawladdu markay u baahdaan shaqaale, waxay waydiisanayaan Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo hubin ka dib u gubbinaysa Guddigga Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda, kadib guddigu wuxuu sida ugu dhakhsaha baddan ugu qaadayaa labadan talaabo midkood:
1: Wuxuu hay’adda dalabka usoo gudbisay u diyaarinayaa tartamayaal leh shuruudaha shaqaalaha[5], la doonayo oo horay imtixaan uga soo gudbay kuna jira liiska shaqaalaha kaydka ah muddo aan ka badnayn laba bilood.
2: Wuxuu dalabka shaqaale iyo shuruudaha loo bahanyahay ku faafinayaa wargeysyada, raadiyayaasha, telifishinnada iyo website-yada.
Taalaaboyinkaa hore marka ay soo dhammaadaan waxaa la guda gelayaa imtixaamida shaqaalaha. Imtixaanka waxaa qaadaya Guddiga Imtixaanka[6]oo ka kooban:
1: Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland,
2: Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah[7],
3: Wakiil ka socda Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta Sare,
4: Wakiil ka socda Wasaaradda Haweenka, iyo
5: Wakiil ka socda Wasaaradda ama Hay’adda shaqaalaha loo qorayo.
Imtixaanka waxaa lagu dejinayaa goobta imtixaanka lagu qaadayo waqtiga imtixaanka waxyar ka hor [8].
Markii qofku kasoo gudbo imtixaanka, haddii ay markaa shaqada dawladda ugu horaysay oo uu soo dhammaysto muddadii tijaabada ee xeerku sheegay[9], ama uu kasoo baxo shuruudaha kale ee madaxada hay’addiisu kasoo dalbato[10], waxa uu sugayaa magacaabista ugu danbaysa ee uu ku noqonayo shaqaaalaha dawladda.
Habraaca Darajooyinka Shaqaalaha
Qorista shaqaalaha dawladda ee darajooyinka “A1 ilaa B5” waxay ku ansaxaan (ansaxayaan) kuna dhaqangalaan (dhaqangelayaan) decreeto uu soo saaro Madaxweynaha Dawladda Puntland, kadib marka uu helo tala-soo-jeedinta Wasiirka Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Sidoo kale qorista shaqaalaha darajooyinkoodu kala yihiin “B6 ilaa D14” waxay ku ansaxayaan kuna dhaqangalaan saxiixa Wasiirka Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha[11].
Hab-raaca aynu kor kaga soo sheekaynay ayaa loo marayaa xulida shaqaalaha rayidka ah ee Puntland, waana sida ay dhigayaan xeerarka iyo Dastuurkuba. Habraacani wuxuu fursad siman siinayaa dhammaan bulshada reer Puntland, mana jirayo cid uu u xaglinayo.
Habraacan maloo maraa soo xulida Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland
Marka aynu su’aal is waydiinu “Habraacan maloo maraa soo xulida Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland?”
Si kooban warcelinta waydiinta sare waa “MAYA”; sababta keentayna waa hay’adda Shaqaalaha Rayidka ah oo noqotay hay’ad baaba’san oo aan jirin, balse afka uun ka jirta (magac uyaal), islamarkaana aan wax shaqo ah qaban, awooddeedana waxaa si xeerarka baal marsan u adeegsada:
1: Hay’adda fulinta, gaar ahaan Madaxweyanaha, iyadoo ay jiraan in sidoo kale M/ ku xigeenka, Wasiiradda oo iyana dariiqa sharciga baal marsan ee madaxweynuhu jeexay mara.
2: Golaha Wakiilada oo dad ay wataan gaysta iyo
3: Saamileyda siyaasadda ee galaangalka wayn ku leh xukuumada markaa joogta.
4: Waxa iyan jirta in Shaqaalaha Rayidka ah ku yimaadaan qabiil iyo xigtaysi, umana sina bulshada reer Puntland.
Madaxweyne akhri qodobka 80-aad!!!!
Qodobka 80-aad ee Dastuurka Puntland faqradiisa 2aad wuxuu dhigayaa “Madaxweynuhu wuxuu mas’uul kayahay ilaalinta Diinta Islaamka, Dastuurka, Difaaca dalka, iyo qawaaniinta kale ee Puntland”. Faqradani waxay si cad inoogu tibaaxaysa in mas’uuliyadaha saaran madaxweynaha kuwooda ugu mudan ay tahay inuu ilaaliyo dhammaan shuruucda maamulka Puntland, shacabkana uu hormuud ugu noqdo ilaalinta qawaaniinta ay ku heshiiyeen.
Iskaba daa Madaxweynayaashii Puntland soo maray inay qodobkan ilaaliyaane, qodobkan ayay u adeegsadaan, sed-bursiga iyo inay ku helaan awooddo aanu siinayn sharcigu, oo hay’adda kale leeyihiin!!!.
Haddaynu tusaalle usoo qaadano digreetada tixraaceedu yahay (Lr.20. ee 30/03/2022) [12] ee Madaxweyne Said Abdullahi Deni uu soo saaray wuxuu ku magacaabay Agaasimayaal isagoo xiganaya in qodobkan 80-aad awood u siinayo magacaabistooda, waana marin habaabin cad iyo inuu si sharci daro ah isu siiyay awooddii shaqo ee ay lahayd Hay’adda Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland iyo in la baal maro nidaamkii uu dhigayey Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland ee lagu soo xulanayey Shaqaalaha Rayidka ah.
Qodobka 80-aad
Aynu is waydiino “Qodobka 80aad madaxweynaha muxuu awood u siinayaa?”
Qodobakani wuxuu dhigayaa dhammaan mas’uuliyadaha saaran Madaxweynaha Puntland iyo awoodihiisa iyo cida uu isagu magacaabi karo oo halka ah:
1: Xubnaha Golaha Wasiiradda.
2: Madaxda hay’addaha madaxabanaan sida Hanti Dhawrka.
3: Gudoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda sare.
4: Madaxda kale ee dastuurka ama shuruucda kale u ogolyihiin.
Haddaba aynu usoo daadegno “Madaxweynuhu xaggee kasoo geli karaa magacaabida shaqaalaha Rayidka ah?”
Ma jiro haba yaraatee xeer u banaynaya in Madaxweynuhu si toosa u doorto xubin kamida shaqaalaha rayidka ah, waana talaaba sharci dara ah oo aad u cad. Meesha keliya ee uu kasoo geli karo waa kadib marka ay soo dhammaystaan hab-raaci uu dhigayey xeerka shaqaalaha rayidka ee aynu kor kaga soo sheekaynay[13] inuu digreeto kusoo saaro Shaqaalaha darajadoodu u dhaxayso “A1 —-B5”.
Gabagebo:
Waxaan kusoo gunaanadayaa maqaalakan tallooyin kooban oo aan muhiim u arkay :
1: Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah in loo madaxbaneeyo shaqadooda, lagana dhigo guddi shaqeeya, dhaqaale iyo miisaaniyad leh oo awooddooda sharci adeegsanaya.
2: Sida ay shuruucdu dhigayaan waaa in xulashada Shaqaalaha Rayidka ah noqotaa tartan furan oo bulshadu u simantahay, si loo helo shaqaale tayo leh oo bulshadooda u adeega.
3: Madaxweynuhu inuu sharciga ilaaliyo, awood aanu qanuunku siina aanu adeegasan.
4: In guud ahaan hay’addaha dawladdu ilaaliyaan shuruucda dawladda u taala, si bulshaduna ugu dayato , oo sharciga uga hibaystaan.
5: In waaxda Garsoorku la dhiso (Judiciary system) , si ay hawshii loo igmaday ee u qareemida dadka iyo sareynta sharciga u meelmar.
W/Q: Siciid Maxamed Axmed “Carafaad”
Email: carafaattigaana@gmail.com