Puntland waa Qabyaalad-diid iyo Qabiilo-u-dood

Image

Qore: Othman MJ

Ma jecleen in aan Yusuf Garaad qoraaladiisa ka jawaabo, siiba kuwa uu qadiyada dagaalada sokeeye sababihii dhaliyey 25 sano kadib uu wali ku bari taaro. Dantuse waxay kugu khasbeysaa inaad fikradaha guracan aad fikrado saxan oo wanaagsan ka horgeysid si khaladku waligiis saxa uusan uga kor marin.

Yuusuf Garaad inteena gu’yaal ku filan soo jirtey halka uu Af iyo Qalin ugu xagliyo waynu ka dharagsan nahay balse maskaxda cusub ee dhalinta soo koraysa Baraha Internetkana aad u daalacda si aan loo khaldin waa in laga baraxaa maqaalka qooshan ee Yuusuf Garaad shaashada u soo saarey.

Maqaalka Yusuf Garaad ugu magacdarey “Qabyaalad-diid mise Qabiil-u-dood” uu barta Internetka uu ku leeyahay ku soo daabacey http://yusuf-garaad.blogspot.com.au/ - wuxuu kala ayaan-sadey oo ku soo beegay xiligii ay beesha caalamka "International Community" Garowe, Puntland tageen si ay ugala xaajooto Dawlada iyo Qaybaha Shacbka ee kala duwan diidmada Puntland nidaamka awood qaybsiga 4.5 ku saleysan.

Waxan leeyahay marka hore Y.Garad hadii aad qoraalkaagu mowqifka Puntland ay ka istaagtey awalna ay ka taagneyd awood qeybsiga in lagu saleeyo 4.5 ku socdo, cinwaanka qoraalka aad ugu magac dartey waad asiibtey.

Sababtoo ah hadaad qaybta hore jumlada cinwaankaaga fiirisid ‘Qabyaalad-diid’ Puntland waligeed waxay diidan tahay in qabiil lagu saleeyo awood qaybsiga Federalka. Qaybta dambe ee jumlada cinwaanka maqaalkaagu ‘Qabiil-u-dood’ Puntland waxay mar walba heegan u tahay in Puntland inta ku midowdey oo bah-wadaagta ah qaybta Deegan ahaan ay Somali ku leeyihiin iyagoon cidna ku xad gudbin xaqooda Deegaan ku helaan – si kale hadaan u dhigo oo farwaaweyn ku qoro Qaarada Somalia xudud deegaan/dhul ku xadeysan ayay ku xardhan tahay kuma xardhana xuduud qabiil ku xadeysan.

Sidaa darteed labada sifo Qabyaalad-diid iyo Qabiil-u-dood Puntland labaduba qadiyadeedu way u taagan tahay. Qabyaalada in la diido Diinteena suuban ayaa sheegtey,Qabiilna in dadku Ilaahey u abuuray iyaduna Diinteena suuban ayaa sheegtey in la sheegto la isku garto iyada oo cidna wax lagu yeelin sidii 1991dii waa banaan tahay.

Y. Garad isagoo wax qaybsiga qabiilka ku saleysan jid u bixinaya wuxuu yiri:

 ‘Anigu waxaan qabaa nidaamka 4.5 in aanuu ahayn caddaalad, sidaa darteedna ay tahay in looga gudbo nidaam caddaalad ku dhisan oo ay dadku u siman yihiin oo ah qof iyo cod. Waa sida Dastuurku qabo laakiin dowladda hadda jirtaa ay ka dhabeyn kari weyday’.

Hadii aan ku hormaro dhinaca niyada saafida ah, aamin-sanaanta diinta (Islam), dhaqanka ama mabadii qoran oo dad dhigtey - genuine moral, believes, norms or written principles (social contracts) halkeebay ku qoran tahay cilmi diimeed iyo mid maadiya arin “cadaalad daro ah” in cadaalad lagu gaarayo waa wax maskaxda qof kasta niyad suuban wuxuu doono ha rumeys naadee uusan xal bidi karin weeye. Y.Garadow bal noo sheeg halbeega aad wax ku cabireysid marka horeba miisaan kiisu ama cabir kiisu khiyaano iyo cadaalad daro ku jirto sidee baad u heli kartaa natiijo cadaalad ah? waa arin mustaxiil ah, malahayga xeerkaaga ayaa xeerkayga ka duwan.

Habka Caalamku codeynta qof iyo hal cod loo codeeyo, qofka codeeya haduusan local counsel-city counsel-region ama state uu san ka tirsaneyn qofkaasi codkiise ma tirsana waa dhumaa, hadii waligiis reer hebal baan ahay uu leeyahay oo 4.5 aamisan yahay sidaada oo kale wax codkiisa soo heli kara ma jiraan. 

Somalia sidoo kale hadii aad diidey in qofka codeynayaa in uu san deegaan ku salaynin codkiisa sidee qofkaasi rug diiwaan gashan u yeelanayaa, mise reer Hebal baan ahay ayaa cinwaan u noqonaysa – dabcan waa xalkii cadaalad dara ku dhisnaa.   

Waxaa fiican Y. Garad madaama aad in mudo ah raadinaysay xal aan cadaalad ku dhisneyn marka hore ka dibna lagu gaaro hab cadaalad ku dhisan marka dambe, in aad badalkeeda maanta laga bilaabo aad raadis xal marka hore cadaalad ku dhisan si aad u heshid natiijo cadaalad ku dhisan - 

Ilaahey Umadiisu hantida isku si uma siin Xigmad Ilaahey ugaara darteed – Dhulkuna/Deegankuna Hantidaa Ilaahey baxshey ayuu ka mid yahay ninkii qayb weyn ku helaya kii qayb yar ku helaya ha diidin iyaduna waa xigmad rabaaniya.  

Qore: MR. Othman A. Mahamud

Related Articles

Booqashada Macron ee Jabuuti iyo Erdogan oo ku baaqay dhexdhexaadin ku saabsan Suudaan: Dhinac kale oo tartanka saameynta leh

Ka dib booqashadiisa Jabuuti, Macron ayaa u safraya Addis Ababa Sabtida si uu ula kulmo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

  • Fikradaha

    25-12-2024

  • 05:39PM

Soomaaliya iyo Turkiga: “Awooddeennu waa dunidan weyn oo aan cidlo ku noqonin”

Qormadan waxaa qoray Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada federaalka Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

  • Fikradaha

    26-10-2024

  • 03:41AM