Sheeko-faneed: SOOBE illaa DABAKAAYO MADOW

Image

Waa 8:40pm, waxaan soo istaagay wadada Soobe ee Madiina aada, waxaa markiiba igu dhegay mid kamid ah kuwa bajaajyada rara. Waana caadadoode inay dadka sidaas ku sameeyaan.

Jug iga siko adeer, bajaajta waxaa igaga horeeyey odey weyn oo dhaqan ka muuqda. (Tusbax, Ger-gaduudan, baakoor, shati futushari afar jeeble ah, macwuus iyo Koofi baraawaani). Adeer “Asc”, “wcs, wiilkeygow soo dhawow”. Darawalow bahashan naga buuxi waan daahnayee; waa gartayda, maxaa yeelay saakay 6:35am ayaan xaafada ka soo baxay, hadaana socdaa, waxaana isku maray Jaamacad, booqashada qof xanuunsan iyo howlo kale oo iigaar ahaa.

Nin da'aada dhexe ah, koofi culimana wata, madow qab ah, tusbax yara dheerna murqaha garabka ugu dabranyahay iyo mid kale oo maariin ah, madaxa illaa haareedka cilaan nuuraani tiq ah umarsan, gacanta midigna kitaab Anwarul-masaalik iyo tusbax yar iskula wata ayaa yimid.

Kursiga kowaad ee hore ayuu isku hubsday, kitaablahana akteyda ayuu soo fariistay, ciriri yar ayaan galay; maadaama dhexda la igalshay. Mootada hadey dhaqaaqdo waa lakala fududaan ayan isku sasabay.

Bajaajtii ha dhaqaaqdo, waa caado Soomaaliyeede sheeko ha bilaabato. ”Igaarkeygow meesha Ahlu sunnaad isugu keentayee” odeygii ayaa ku kaftan furtay. Tusbax ku muruqlihiina "Adeer maka mid tihid miyaa adiga"; "waaba maxabadeyda e" odeygii baa ku jawaabay, qosol ayaan raaciney sadexdeena kale.

Odeyga" Wadanka berigii dowlada lahaa ayuu fiicnaa hadda ayax ayaa ku habsaday. Siyaaradii Biyooley baabuurta Baydhabo illaa Biyooley ayey safnaan jireen.《Safar salaamaa- Sii jeed salaamaa- soo jeed salaamaa 》 iyadoo lagu hayo ayaa Biyooley lageli jirey.

Hadda islaantaa weyso kaama buriso iyo waxaan loo joogin ayaa dadkii lagu wareeriyey. “Ar odeyga waa khaliif; Allahu Akbar”. Kii i ag fadhiyey oo mar hore faqalkisa ila korey ayaa la soo boodey. Sheekooyin badan ayaa meeshii iska qabsaday, aniga dhegahaas ayaan kala socdaa, oo waxba kuma darsado. "Khaliif Hebel (anigaa qariyey magaca)si fiican uma luuqeyn yaqaan, waxaad moodaa inuu gurbaan tumayo"; “Haa weliba xertiisa ayaa kaga bediya cod macaanida”. “Balwada ayaa sidaas ka dhigtey”. “Horta ma jaad keliyaa mise sigaar ayaa uraaca”.

“Sigaarna waa ula, jiryaa,anigaaba hadda kahor ku arkay asoo afuufaya. Waxaa is dhaafsaday odeygii iyo midka hore fadhiyey. "Khaliifkaas waa hore ayuu duuli lahaaye, ee balwadaa dilootay, Allah ka madoobayo-e" kii i ag fadhiyaa dhahaya.

"Hadda kahor ayaa sheekh Hibil 《Naaneys yar ayuu sheegay,se anigaa illaawey》Jowhar tagey, beesha u badan deegaanka ayaa xujeysatay; waxeyna dheheen Sheekhow awliyo nimadaada natusi, oo webigaan ku dul soco.

Sheekhii xirtiisa weysa qaata buu yiri, dabadeed webiga lugta midig geliya. Isla markiiba waxaa weibigii soo dul hee-haabay tiro yaxaas ah oo midkiiba dushiisa hal mitir la egtahay; Sheekhii iyo xertiisana wey ku dul socdeenoo weibigii ayey dhinaca kale kaga talaabeen.

Nimankii reer Jowhar madaxa ayey qabsadeen, Sheekhow naga raali noqo, hoo doomankaann hore u qaado ayey iska soo jareen. Hadaahay ayaa la idin kaga baahanaa inta uu yiri ayuu xertiisa la dhaqaaqay." Adeer dhacdada ma jowhar bey eheyd mise balcad? "Jowhar ayey eheyd” anigaa weydiiyey si aan uga xaqiijiyo meesha ay ka dhaceen waxa uu
sheegayo.

Adeer wadada hormuud ka soo sokeysa iijoji. Ilmahaygoow nabad gala Insha Allah, Odeygii waa degay, sheekadaas ayuuna ku soo khatimey safarkii gaabnaa.
________________
Fiiro: Dhacdadan aan sheeka ahaanta u qoray, waxaan lakulmay 31-October-2023 waana habeen isniin baxeysey oo talaadana afaafka soo taagneed. Isla habeenkaas ayaana qorey si eysan iiga kala lumin. Ereyada aan adeegsaday waa kuwii iyaga is dhaafsanayeen aniga, waxba kuma darin.

Sheekadan waxaa qorey Usama Abdullahi Ahmed.
Gmail: osama.tamaam@gmail.com

Related Articles

Booqashada Macron ee Jabuuti iyo Erdogan oo ku baaqay dhexdhexaadin ku saabsan Suudaan: Dhinac kale oo tartanka saameynta leh

Ka dib booqashadiisa Jabuuti, Macron ayaa u safraya Addis Ababa Sabtida si uu ula kulmo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

  • Fikradaha

    25-12-2024

  • 05:39PM

Soomaaliya iyo Turkiga: “Awooddeennu waa dunidan weyn oo aan cidlo ku noqonin”

Qormadan waxaa qoray Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada federaalka Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

  • Fikradaha

    26-10-2024

  • 03:41AM