Xaafad Garowe kamid ah oo laga dayriyay
GAROWE, Puntland - Magaalada Garowe ee caasimada dowlada Puntland ayaa mudooyinkaan danbe waxaa kusoo badanayay dadwaynaha ka yimid dhinaca dalka Itoobiya kuwaasi oo inta badan ku shaqaysta xirfadda Tuugsiga.
Gudoomiyaha Xaafadda Wadajir ee magaalada Garowe, Fu'aad Diiriye ayaa warbaahinta u sheegtay in Amni darro xoogan ay xaafadaasi ka jirto.
"Waxay nagu keeneen dhibaato wayn oo Anshaxa iyo dadnimada ka dhan ah waxay u dhaceen xaafadaha qaar iyagoo caruur Tooreeyo ku qabtay".
Iyada oo sii hadlaysa ayay Gudoomiyuhu sheegtay in kuwo badan oo la eedeeyay ay ku jiraan saldhigyada.
Duqa Garowe, Cabdulqaadir Maxamed Geedi ayaan isagu marna ka hadal arimaha degmada iyada oo uu horey u ahaa Agaasimaha Maaliyada ee xafiiska Deni.
Puntland oo ay soo dhawaatay wakhtigii doorashada ee shantii sanaba mar la qaban jiray ayaa inta badan masuuliyiintu maamulku ku mashquulaan siyaasadda.
GAROWE ONLINE