Xasan Sheekh oo fariin ku saabsan siyaasada dalka u diray Deni

Image
SAWIR HORE

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kalmad ka jeediyey xafladda Sanadguuridii 17aad ee ka soo wareegay aasaasidda dowlad goboleedka Galmudug.

Munaasabadaan lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ayuu madaxweynaha kaga hadlay dhowr qodob oo mudhiim ah, kana mid yihiin hormarka ay ku tilaabsatey Galmudug, dib u heshiisiinta, la dagaalanka argagaxsida iyo musumaasuqa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in dowlad goboleedyada qaar laga doonayo in ay racaan dhinaca loo bato, isaga oo sheegay in ay tixgelinayaan ra’yiga ay qabaan dhinac walba.

Dadka qaar ayaa ku tilmaamay hadalka madaxweynaha mid ku socdo maamulka Siciid Dani oo caqabad ku noqday dib u dhiska qaranimada Soomaaliya, isaga oo ka leh dano gaar ah.

“Anaga waqti waan siineena, balse waa in go’aan la gaaro, ama wadar oggol ama waxaa la raacaa meeshii loo bato.” ayuu yiri madaxweynaha."

Madaxweynaha muddo xileedkiisa sii dhamaanayo Saacid Dani ayaa ka maqnaa shirarka Golaha Amniga Qaranka, iyadoo taasi ay ugu wacan tahay khilaafka kala dhaxeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaafad Garowe kamid ah oo laga dayriyay

Puntland oo ay soo dhawaatay wakhtigii doorashada ee shantii sanaba mar la qaban jiray ayaa inta badan masuuliyiintu maamulku ku mashquulaan siyaasadda.

  • Garowe

    13-09-2023

  • 01:13PM