Galka Xasan Sheekh ee KGS: Labo uu ku dhiiqeystay iyo hal u baaqi ah

Image
Heerkulka siyaasada Soomaaliya ayaa todobaadkan ahaa mid sareeyay xiisada Itoobiya aawadeed.

Editorial, (GO)  – Heerkulka siyaasada Soomaaliya ayaa todobaadkan ahaa mid sareeyay. Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa xudun u ahayd karkan. Mawduuca ugu weyn wuxuu ahaa qaddiyadda Itoobiya.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Baydhabo u diray uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uuna qeyb ka ahaa  Taliyaha nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe].

Hase ahaatee, wafdigan waxa uu banaanka labo guuldaro oo soo gaartey galka Villa Soomaaliya ee Koonfur Galbeed halka talaabo oo kasoo ifbaxdey in Xasan Sheekh ay baaqi uga tahay qorshihiisa isbedel-doonka maamulkan.

Labada uu Xasan ku dhiiqeystay

Maalin kahor socdaalka wafdigan, madaxwayne Xasan Sheekh ayaa la kulmay siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed kuwaasoo uu u fasaxay in ay dagaal siyaasadeed la galaan Laftagareen si xukunka loo dhaafiyo.

Sidoo kale, illo xog-ogaal ah ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in Sanbaloolshe u raaciyay wafdiga Xamse si uu Laftagareen u gaarsiiyo fariin uu ka siday Xasan Sheekh taas oo laftagareen iska diidey inuu gudoomo.

Inuu Xasan qaabilay mucaaradka Laftagareen kahor waanwaanta Xamse “waa iclaaminta dagaal aamusan,” halka fariinta uu Sanbaloolshe u dhiibay ay caddeysay “in uusan kalsooni badan ku qabin Xamse,” sida dad badan qabaan.

Mida baaqiga u ah Xasan Sheekh

Sidda laga soo xigtay dad badan oo xog-ogaal ah, madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn ugu dadaalaya inuu Muqdisho ka qabsoomo kulanka golaha wadatashiga qaranka kaasoo loo balansan yahay bishan September.

Villa Soomaaliya ayaa kulankan ka dooneysa in ay kasoo baxaan go’aano taageeraya qorshaheeda doorasho qof iyo cod kaasoo ay ka cagajiidayaan dhamaan hogaamiyeyaasha maamulada maadaama ay u tahay dhimasho siyaasadeed.

“Kulan uu Xasan Sheekh isugu yeeray kooxdiisa siyaasadeed wuxuu horaantii bishan ka sheegay in haddii madaxda maamulada kulankaas soo xaadiri waayaan uu qaadi doono dhabe cusub oo duulaan ah,” ayay illo caddeeyeen.

Sikastaba, waxaa muuqanaysa in ay maamulka Xasan Sheekh usoo dhamaatay labo sano oo dhaldhalaal siyaasadeed ah isla markaana la guda galayo labo sano oo kale buuq siyaasadeed oo ka dhalan doonta doorashooyinka maamulada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hub uruursiga Xasan Sheekh: Xukun boob mise Afgembinta maamulada?

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa amar ku bixiyay howlgal ka dhan ah wax loogu yeeray "hubka sharci darada ah".

  • Maqaalo

    23-09-2024

  • 06:20AM

Xasan iyo Laftagareen oo ka badbaadey in ay gacanta bidix isku-salaamaan

Dowladda Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed ayaa is-afgarad hoose waxay ka gaareen khilaafkii ka dhaxeeyay.

  • Maqaalo

    20-09-2024

  • 09:52AM