Hub uruursiga Xasan Sheekh: Xukun boob mise Afgembinta maamulada?

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa amar ku bixiyay howlgal ka dhan ah wax loogu yeeray "hubka sharci darada ah".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu amar ku bixiyay in la bilaabo howlgal loogu magacdaray la dagaalanka hubka sharci-darada ah, sidda uu ogaaday warsidaha Garowe Online.

Ololahan oo haatan si hoose ku bilowday ayaa waxaa la filayaa inuu ku faafo guud ahaan caasimada wallow aad loo saadaalinayo inuu wajihi doono iska-caabin xoogan sida horey dhowr jeer uga dhacdey magaalada.

Wasiirka amniga Fartaag oo ka duulaya amarkan ayaa shalay la kulmay Taliyeyaasha ciidamadda iyo garsoorka milatariga isaga oo bixiyey awaamiir lagu dhaqan-gelinayo qaraarada xakameynta hubka.

Ma cadda ujeedada dhabta ah ee ku gadaaman qorshahan. Balse waxa uu kusoo aaday maalmo kadib markii Puntland ay la wareegtay hub ay kasoo iibsatay Itoobiya kaasoo dowladda federaalka u aqoonsatay sharci darro.

Sidoo kale, dhaqdhaqaaqa Villa Soomaaliya ayaa kusoo hagaagay bilooyin kadib markii Caabudwaaq lagu boobay hub la sheegay inuu maamulka Xasan Sheekh soo iibsatay balse uu ku fashilmay xakameyntiisa.

Todobaadkii hore, dowladda federaalka ayaa la wareegtay hub cadadkiisa lagu qiyaasay in ka badan hal milyan doolarka Mareykanka kaasoo  la sheegay inuu lahaa ganacsade ku heyb ah madaxwayne Xasan Sheekh.

"Kiiskan waxaa loo xaliyey qaab qabiileysan iyadda oo dowladda ay ku marmarsiyootay in aan Muqdisho laga ogoleyn hub aysan dowladda lahayn," ayay GO u xaqiijiyeen illo wareedyo kale oo war gal ah.

Macluumaadka la helayo ayaa tibaaxaya in hubka uu ahaa midkii lagu boobay magaalada Caabudwaaq ayna ku jiraan noocyo kamid ah qoryaha shiishka leh ama shaamshuurtarka loo yaqaano.

Dad ku dhow siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya oo la hadlay warsidaha GO ayaa tuhunsan in qaraarka Villa Soomaaliya uu salka ku hayo wiiqitaanka awooda ciidan ee xubnaha kasoo horjeeda Xasan Sheekh.

"Labo sano oo dhamaatay, labo sano kale oo soo horleh iyo go'aankan waa mid shaki badan ku xeeran yihiin. Si walba, waxaan qabnaa walaac horleh," ayuu yiri shaqsigan oo kamid ah kooxda ololaha murashax madaxwayne.

Howlgalkan ayaa sidoo kale waxa uu imaanayaa xilli dowladda Soomaaliya ay xalay la wareegtay hub fara badan oo ay ka heshay dowladda Masar kaasoo shalay galab soo gaarey dekada magaaladda Muqdsiho.

Waa markii labaad oo xukuumadda Qaahira ay hub soo gaarsiiso Muqdisho iyadda oo la xasuusto in kal hore ay diyaarad milatari ku keentay hub aan wali sharaxaad dheeraad ah aysan ka bixin dowladda federaalka ah.

Masar ayaa horey u balanqaadey in ay difaaceyso madax-banaanida iyo qaranimada Soomaaliya ka gadaal markii Itoobiya ay heshiis ay ku helayso marin-badeed la gashay maamulka gooni-isku-taagga ah ee Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan iyo Laftagareen oo ka badbaadey in ay gacanta bidix isku-salaamaan

Dowladda Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed ayaa is-afgarad hoose waxay ka gaareen khilaafkii ka dhaxeeyay.

  • Maqaalo

    20-09-2024

  • 09:52AM

Galka Xasan Sheekh ee KGS: Labo uu ku dhiiqeystay iyo hal u baaqi ah

Heerkulka siyaasada Soomaaliya ayaa todobaadkan ahaa mid sareeyay xiisada Itoobiya aawadeed.

  • Maqaalo

    13-09-2024

  • 04:17PM