Hubka lagu furtey Caabudwaaq: Halka laga keenay, tirada iyo cidda iska leh

Image
Dhacdadan ayaa si cad waxay u jebisay heshiiska qafiifinta cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaan illaa shalay ururinaynay xogta ku saabsan hubka tirada badan ee u gacangalay dadweynaha magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Waxaan la hadalnay mas'uuliyiin, xubno amniga ka tirsan, iyo dad ku sugan Addis Ababa oo dhammaantood nasiiyay macluumaad aad u badan: 

- Gawaarida hubka siday waxay ahaayeen 4. Kaliya labo ayaa kasoo talawday dhanka xuduuda Itoobiya. Waxaana galbinayay gawaari ciidanka NISA ee Dowladda Federaalka. 

- Wasiir ku Xigeenka Ammaanka Galmudug ayaa noo sheegay in uusan jirin ciidan Galmudug oo la socday hubka, waxayna Wasaaraddu sheegtay in ciidanka NISA ee heer federaal ay yihiin kuwa galbinayay hubka.

ITOOBIYA MISE JABUUTI?

Waa sax in hubka dhanka Itoobiya kasoo galay Caabudwaaq, laakiin saraakiil Itoobiya ku sugan waxay sheegayaan aragti kale oo ah in hubka uu ka yimid dhanka Jabuuti, Itoobiya uu soo dhexmaray.  

Dadka deegaanka Caabudwaaq ayaa xoog kula wareegay markii ay ka shakiyeen gawaarida oo loogu sheegay inuu yahay qalab anteenooyinka isgaarsiinta oo NISA ay leedahay.

TIRADA HUBKA IYO NOOCYADIISA

Labada baabuur oo nooca xamuulka qaada ayuu ku rarnaa hubka. Waxaana dadka jooga Caabudwaaq (oo qaarkood hubka wax ka heley) ay noo sheegeen tiro aad u badan: 

- Dhashiike : 150 illaa 200 xabo

- BKM : 500 xabo 

- Shamshuutar (M16 Sniper): 200 illaa 260 xabo

- AK-47:  2,200

- Bastooladaha nooca leh aamusiyaha "silencer": 800 xabo

- Rasaasta BM-ka : tiro nalooma sheegin 

- Rasaasta qoryaha fudud

YAA WATAY HUBKA?

Xogta Itoobiya, iyo Galmudug aan ka helnay waxay xaqiijineysaa in hubkan ay ku qoran yihiin oo magaca Soomaaliya ku soo iibiyay labo ganacsade oo kala ah:

1- Cabdinaasir Cali Adoon oo ah ganacsade ay qaraabo yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh. Waana ninkii maalgaliyay ol'olihii doorashada madaxweynaha ee May 2022.  

2- Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq) oo ah La Taliyaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee dhanka hawlgallada ciidamada ee Galmudug. Sidoo kale Liibaan waa musharrax madaxweyne maamulka Galmudug.

CUNAQABATEYNTA HUBKA

Disembar 2023, Golaha Amaanka ayaa qafiifiyay qeyb ahaan cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Dowladda (tii Shabaab weli way saaran tahay).  Shuruudaha qaadista cunaqabateynta waxay ahayd in dowladdu fursad u hesho dagaalka Shabaab oo ay hesho hubka fudud. 

Dhacdada hubka intaas la eg lagu so geliyay dalka waxay si cad u jebisay heshiiska qafiifinta cunaqabateynta hubka oo mamnuuceysa in hub sharci darro la keeno dalka iyo in shacabka isu adeegsadaan.


Fiiro gaar ah: Macluumaadka ku jira maqaalkan waxay gaar u tahay qofka ku saxiixan. Muhiim maaha in ay ka turjunto siyaasadda guud ee Garowe Online

Related Articles

Ujeeddooyinka France ee Afrika: Doorka Jabuuti iyo Dalalka Geeska Afrika

Jabuuti, oo ah saldhigga ugu weyn ee Faransiiska ee Afrika, ayaa loo arkaa inay muhiimad weyn u leedahay qorshaha Faransiiska.

  • Maqaalo

    29-12-2024

  • 09:01AM

Booqashada Macron ee Jabuuti iyo Dalabka Erdoğan ee Dhexdhexaadinta Xalka Dagaalka Suudaan… Labo Waji oo Isla Lacag Ah

Turkigu wuxuu leeyahay taariikh xiriir dhow oo uu la leeyahay Suudaan, laakiin sidoo kale wuxuu leeyahay damac gumeysi.

  • Maqaalo

    24-12-2024

  • 01:54PM