Itoobiya oo gudaha Soomaaliya "kula diriraysa" taliska Xasan Sheekh

Image
Banaanbaxyadda ka dhacay Koonfur Galbeed ayaa lagu tilmaamay "fariin ka timid Addis Ababa".

ADDIS ABABA, Itoobiya – Degaanada Koonfur Galbeed gaar ahaan gobolka Bakool magaalooyinkiisa Xudur iyo Waajid ayaa waxaa shalay iyo maanta waxaa ka dhacay banaanbaxyo lagu taageerayo joogitaanka ciidanka Itoobiya.

Mudaaharaadyadan ayaa la rumeysan yahay in ay soo abaabuleen maamulka degaanka iyadda oo ay xog-ogaal u tahay Madaxtooyadda Koonfur Galbeed oo uu garwadeen ka yahay hogaamiye Cabdicasiis Xasan Laftagareen.

Xildhibaaanda labada gole ee kasoo jeeda gobolka ayaa ku kala qeybsamay dibad-baxyadda. Qaarkood ayaa waxay ku tilmaameen “fal xun oo khiyaano qaran ah” balse kuwa kale waxay ku sifeeyeen “talaabo bogaadin mudan”.

Xubnaha kasoo jeeda isu-soo-baxyadan ayaa waxay aaminsan yihiin inuu dhaawac ku yahay madax-banaanida Soomaaliya. Hase ahaatee kuwa taageersan waxay ku doodayaan in dadka ay ammaankooda u baqayaan.

Illaa haatan, jawaab sugan lagama hayo Dowladda Federaalka. Hase ahaatee, Lataliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud wuxuu si maldahan ku yiri “Kala ilaaliya madax-banaanida iyo dooda siyaasadeed”.

Dadka falanqeeye siyaasadda Geeska Afrika ayaa banaanbaxyadan waxay ku tilmaameen “fariin cad oo Itoobiya ay u direyso Dowladda Soomaaliya iyo awood ay ku muujineyso in ay saameyn ku leedahay gobolada qaar”.

Isla bishan August gudaheeda, gobolada Gedo iyo Hiiraan oo ku yaalla xuduudka Itoobiya ayaa laga taageeray xukuumadda Addis Ababa iyadda oo Muqdisho ay ku doodeyso inay saareyso ciidamadda Itoobiyaanka ah.

Itoobiya ayaa si weyn waxay uga gadoodsan tahay in Soomaaliya ay yimaadaan askar ka socota Masar si ay qeyb uga noqdaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika kaas oo qorshuhu yahay inuu bilowdo marka la gaaro 2025-ka.

Falanqeeyeyaasha ayaa waxay ka digayaan in haddii dhegaha laga sii fureysto jawaabaha diblumaasiyadeed ee Masar iyo Itoobiya ay isku-dhex-marinayaan gudaha Soomaaliya ay suurtagal noqon karto dagaal toos ah.

Sikastaba ha ahaatee, dagaal Masaarida iyo Itoobitaanka ku dhexmara gudaha Soomaaliya ayaa la saadaalinayaa in ay kaliya adeegsan karaan xoogaga Soomaali ah waxaana halkaas waxyeelada ku hari doontaa dadka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hub uruursiga Xasan Sheekh: Xukun boob mise Afgembinta maamulada?

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa amar ku bixiyay howlgal ka dhan ah wax loogu yeeray "hubka sharci darada ah".

  • Maqaalo

    23-09-2024

  • 06:20AM

Xasan iyo Laftagareen oo ka badbaadey in ay gacanta bidix isku-salaamaan

Dowladda Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed ayaa is-afgarad hoose waxay ka gaareen khilaafkii ka dhaxeeyay.

  • Maqaalo

    20-09-2024

  • 09:52AM