Jubaland oo ka warbixisay wajiga labaad ee gulufka Al-Shabaab
KISMAAYO, Jubaland - Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya dadka degaanka ayaa Al-Shabaab ka saaray dhul badan oo ka tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug, kadib howlgalo billowday bishii August ee lasoo dhaafay.
La-taliyaha ammaanka qaranka ee dowladda, Xuseen Sheekh-Cali, ayaa todobaadkii hore u sheegay VOA-da in mas’uuliyiinta ay diyaarinayaan wejiga labaad ee howlgallada milateri.
Gulufkan cusub ayuu tibaaxay in ay qeyb ka noqon doonaan ciidamo dheeraad ah oo ay soo diraan saddexda dal ee soohdinta la leh Soomaaliya – Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.
Madaxweyne ku xigeenka Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa sheegay in saldhigga ugu weyn ee Maleeshiyada ay ku leeyihiin Gobolka Jubbada Dhexe uu ka mid yahay goobaha la beegsanayo.
Hadalkiisa ayaa ku soo aadaya xili saraakiisha ciidamadda ay sheegeen in ciidamadda ay iska-caabiyeen weerar ay xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ku qaadeen xero ku taala duleedka Kismaayo.
Aadan oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weerarka oo loo adeegsadey qaraxyo iyo dagaalyahanno hubeysan uu ka dhacay deegaanka Jannaa Cabdalle oo 60-KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.
Mas'uulkan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in gulufka ballaaran ee ka dhanka ah Al-Shabaab uu bilooyinka soo aadan ka bilaaban doono degaanadda Jubaland.
“Bartilmaameedku waa saldhigga ugu weyn ee [Al-Shabaab] ay ku leeyihiin Jubbada Dhexe, waa duullaankii ugu dambeeyay ee Jilib iyo Bu’aale iyo saldhigyada kale ee waaweyn oo ay muddo dheer qabsadeen,” ayuu yiri.
Sidda laga soo xigtey Aadan, degaanka Janaa Cabdalle waa saldhigga istaraatiijiyadeed ee ugu dhow ee looga duuli karo Jubada Dhexe taasoo ka dhigan in uu xudun u noqon doono howlgalada wajiga labaad.
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dagaal kula jirta xoogaga Al-Shabaab in ka badan 15 sano. Mareykanka iyo xulafada kale ee caalamiga ah waxay tibaaxeen in la gaarey waqtigii lasoo afmeeri lahaa joogitaanka kooxda xagjirka ah.
GAROWE ONLINE