Soomaaliya furin dagaal ma noqon kartaa xiisada Itoobiya iyo Masar?

Image
Tan iyo markii Qaahira ay heshiiska la gashay Addis Ababa, waxaa xoogeystay dagaalka afka labada dal.

MUQDISHO, Soomaaliya - Booqashadiisa labaad ee uu ku tagay magaalada Qaahira ee dalka Masar, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 14-kii August heshiis difaac la galay diggiisa Masar Abdel Fattah el-Sisi.

Heshiiskaas ayaa waxaa wehlisay xaqiijinta taageerada Masar ee “Midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya” dhulka, iyo diidmada faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha.”

Jawaabtii Itoobiya si degdeg ah ayey u timid. Dhowr maalmood ka dib, Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya ayaa sheegay in dalal uusan sheegin ay isku dayayaan inay u muuqdaan kuwo difaacaya danaha Soomaaliya.

Field Marshal Berhanu Jula ayaa intaas ku daray in wadamadan uusan magacyadooda sheegin ay maqnaayeen markii Itoobiya ay naf-hur u ahayd xasilinta Soomaaliya.

Hogamiyaha militariga ayaa loo badinayaa in hadalkan uu ula jeeday ka qeyb galka Itoobiya ee howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika (AU) ee Soomaaliya, kaas oo dhawaan soo laabtay kadib markii ay soo dhameysteen waajibaadkii ay u joogeen dalka.

"Waxaan nahay dadka gobolka, waxaan danaynaa ammaankiisa iyo xasilloonidiisa, kamana aamusi doono isku day kasta oo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo," ayay Jula kasoo xigatay shirkadda Fana ee Itoobiya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Nebiyu Tedla, ayaa tilmaamay in heshiiska Masar iyo Soomaaliya “uusan walwal badan ku haynin Addis Ababa".

Balse waxa uu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in si taxadir leh ay Masar uga mid noqoto howlgalka Midowga Afrika ee soo socda ee Soomaaliya "si looga fogaado is-faham-waaga aan loo baahnayn iyo xiisadaha gobolka ee lama filaanka ah".

Waxa uu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in la tixgeliyo fikradaha iyo walaaca ay qabaan dalalka hadda ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya si loo xaqiijiyo isbeddel wax ku ool ah oo loogu gudbo howlgalka Midowga Afrika ee KMG ah ee Soomaaliya (ATMIS).

Sikastaba ha ahaatee, diidmadda Itoobiya ee ciidamada Masar usoo direyso Soomaaliya ma waxay horseedi kartaa dagaal qarsoon oo ku dhexmara gudaha Soomaaliya mise waa laga hortagi doonaa kahor inta aysan isku dhicin?

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hub uruursiga Xasan Sheekh: Xukun boob mise Afgembinta maamulada?

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa amar ku bixiyay howlgal ka dhan ah wax loogu yeeray "hubka sharci darada ah".

  • Maqaalo

    23-09-2024

  • 06:20AM

Xasan iyo Laftagareen oo ka badbaadey in ay gacanta bidix isku-salaamaan

Dowladda Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed ayaa is-afgarad hoose waxay ka gaareen khilaafkii ka dhaxeeyay.

  • Maqaalo

    20-09-2024

  • 09:52AM