Soomaaliya oo laga waayey liiska dalalka la dirira sigaar cabida
DOOXA, Qadar - Brazil, Mauritius, Netherlands iyo Turkey ayaa kaliya si dhab ah ula dagaalama sigaarka, sidda ay sheegtey Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).
WHO waxay tibaaxdey in 5.6 bilyan oo qof, ama 71 boqolkiiba dadka adduunka, ay haatan ka nabad-qabaan halista ba’an ee sigaarka.
Hay’adda caafimaadka ayaa intaas ku dartey in heerka baahsanaanta sigaarka adduunka uu hoos uga dhacay 22.8 boqolkiiba sannadkii 2007 ilaa 17 boqolkiiba 2021-ka.
Haddii aysan jiri lahayn xayiraadahan, waxaa jiri lahaa 300 milyan qof oo si joogto ah u cabo sigaarka, sidda laga soo xigtey WHO.
Sida ay xustey WHO, siddeed waddan ayaa hal tallaabo u jira inay ku biiraan xakamaynta tubaakada: Itoobiya, Iran, Ireland, Jordan, Madagascar, Mexico, New Zealand iyo Spain. Soomaaliya kama soo muuqan liiskan.
Sigaarka ayaa sanad walba waxa uu sabab u noqdaa dhimashadda 8.7 milyan qof, oo ay ku jiraan 1.3 milyan oo u dhinta neefsashada qiiqa gacanta labaad.
GAROWE ONLINE