Xaalada xorriyada saxaafada Soomaaliya oo laga qaylo-dhaamiyey
MUQDISHO, Soomaaliya - Saxafiyiinta ku sugan Soomaaliya, Itoobiya iyo Suudaan ayaa la kulmay cadaadis weyn, oo ay ku jiraan faafreeb, xarig, iyo rabshado, sida ay sheegtay IPI oo warbixin kasoo saartey xaaladda xorriyadda saxaafadda bishii Abriil.
Sidda ku xusan warbixintan, IPI ayaa diiwaan-gelisay 60 xadgudub ka dhan ah wariyeyaasha kuwaas oo ka dhacay 13 waddan inta lagu guda jiro bishii April ee sanadkan 2023-ka.
"Inta badan hanjabaadaha ka dhanka ah xorriyadda saxaafadda ama xadgudubyada waxaa geysta mas'uuliyiinta, oo ay ku jiraan booliiska, hay'adaha amniga, iyo hay'adaha garsoorka," ayay raacisay IPI.
Dhacdooyinkii ugu badnaa ayaa, sidda ay xustey IPI, waxaa laga diiwaan-galiyay Soomaaliya, halkaas oo mas'uuliyiinta dowladda "ay sii wadaan faafreebka, xayiraadaha ka dhanka ah wararka iyo macluumaadka".
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayay ku eedeysay in ay ka dalbatay Facebook in uu meesha ka saaro wareysi dhanka internet-ka ah oo uu Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed SJS, Cabdalle Muumin, siiyey siiyay Wariye Maxamuud Maxamed Daahir.
Wareysigaas oo wasaaradda ay ku shaabadeysay "mid halis ah" ayuu wariye Cabdalle Muumin si faah faahsan uga hadlay xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee uu xusay in lagu hayo "xabsiyada aan sharciga ahayn ee Muqdisho".
Dhanka kale, dalka Itoobiya ayay shaaca ka dhigtey in lagu xiray dhowr wariye oo xabsiga la dhigay, iyadoo qaarkood lagu eedeeyay hurin rabshado kaddib markii ay si fudud shaqadooda u guteen.
"IPI waxay sidoo kale ku biirtay 48 urur oo kale oo hoos taga isbahaysiga #KeepItOn iyagoo warqad u diraya dawlada Itoobiya oo ay ugu baaqayaan inay joojiyaan xiritaanka internet-ka ee ka socda gobolada Tigray iyo Amhara," ayay raacisay.
Gudaha Suudaan, mas'uuliyiintu waxay bishii Abriil ku amreen MTN iyo Sudatel inay si ku meel gaar ah u xiraan adeegyada mobilada iyo internetka waxayna sidoo kale jareen baahinta baahinta TV-ga dowladda, iyadoo ay weli socoto iska-hori-maadka hubeysan.
GAROWE ONLINE