Xamse Cabdi Barre: Saddex qodob uu ku haftay iyo mid uu haleelay

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay waxa uu ka hadlay madal lagu sheegay "Kulan Dadwayne".

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xalay ka hadlay madal xafiiskiisa soo agaasimay oo loogu magacdaray in ay tahay "Kulan Dadwayne" inkasta oo baahinteeda ay qaadaceen inta badan Tv-yada Muqdisho.

Xamse ayaa madashan kaga jawaabay su'aallo laga waydiiyay la dagaalanka Al-Shabaab, xiisadda Itoobiya, qadiyadaha Awdal iyo SSC-Khaatumo si lamid ah khilaafka Puntland iyo dowladda federaalka.

Hadaba warsidaha Garowe Online ayaa faalleyn ku sameynaya hadalada uu wasiirka koowaad ee dalka ka sheegay afartan mawduuc wallow ay jireen arrimo kale oo Xamse uu kaga hadlay munaasabadaas.

La dagaalanka kooxda Al-Shabaab

Labadii sano lasoo dhaafay ayuu sheegay in ciidamadda  ah ay qaadeen in ka badan 900 howlgalo ay ku xoreeyeen degaan kor-u-dhaafayaa 200 ayna ku dileen tiro ka badan 5,000 dagaalameyaal Al-Shabaab.

Dadka la socda amniga Soomaaliya ayaa tuhun geliyay hadalka Xamse iyaga oo ku tilmaamay mid xaqiiqada ka fog ayna ciidanka howlgal abaabulan ugu dambeysay 2023 ayna Shabaab dib u qabsadeen badi degaanadaas.

Sidoo kale, Xamse waxa uu sheegay in qaraxyada iyo dilalka hoos-dhaceen %70 hase ahaatee labadii sano lasoo dhaafay guud ahaan dalka waxaa ka dhacay ku dhowaad 300 qaraxyo dilay in ka badan labo kun rayid iyo askar.

Qadiyadaha Awdal iyo SSC-Khaatumo

Maamulka ku meelgaarka ah ee SSC-Khaatumo ayuu sheegay in uusan wali buuxin shuruudihii dowlad goboleed halka uu geeska geliyay dhaqdhaqaaqa Awdal State oo uu carabka ku adkeeyay in uusan ka war ahayn.

Hadalkan ayaa ka careysiiyay Xildhibaanada labada degaan ku matala baarlamaanka federaalka Soomaaliya kuwaas oo ololaha labadan maamul kawada xafiisyadda dalka ugu sareeya tan iyo markii ay si rasmi ah usoo shaac-baxeen.

Dhawaaqan wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo madaxda federaalka ay sidoo kale dhowaan qaabileen Maakhir State talaabadaas oo dadka Puntland ku tilmaamay mid lagu kala qeybinayo dadka degaanka kana soo horjeeda federaalka.

Muranka Puntland iyo Dowlada federaalka

Xamse ayaa sii waday suuq-uraadinta dooda Villa Soomaaliya ee la xiriirta in madaxda Puntland ay siyaasadeeyeen mashaariicda horumarinta isaga oo iska-indhatiray inuu ka jawaabo cabashooyinka ay Puntland miiska soo saartey.

Puntland ayaa sheegtay in mashaariicda ay u xayiran yihiin arrimo is-faham u baahan oo dhanka farsamada ah kuwaas oo dhamaantooda hoos-imaanaya dhaqan-gelinta nidaamka federaalka ee dalka uu ku dhaqmayo.

"Xamse waxa uu u hadlay sida qof aan waxba fahansameyn. Puntland waxay doonaysaa in iyadda go'aamiso cidda fulinaysa mashaariicda oo aanan laga xayeysiin Muqdisho," ayuu yiri mas'uul la hadlay warsidaha Garowe Online.

Xiisada u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa mar kale waxa uu carabka ku adkeeyay in aysan ka ogolaan doonin Itoobiya xadgudub ka dhan ah madax-banaanida iyo qaranimada dalka ayna wax walba oo awoodooda u sameyn doonaan.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Xamse ayaa waxa uu ku goodiyay in aysan ciidamadda Itoobiya ka qeyb noqon doonin howlgalka cusub ee Midowga Afrika haddii aysan ka noqon heshiiska ay la gashay maamul gooni-isu-taagga Somaliland.

"Sanadkaan marka uu dhammaado howl-galka ATMIS jira wuu dhammaanayaa, sidaas aowgeed Itoobiya haddii aysan si cad uga laaban is-afgaradka, ciidamadeedu kama mid noqon doonaan howl-galka cusub," ayuu ka dhawaajiyay Xamse.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hub uruursiga Xasan Sheekh: Xukun boob mise Afgembinta maamulada?

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa amar ku bixiyay howlgal ka dhan ah wax loogu yeeray "hubka sharci darada ah".

  • Maqaalo

    23-09-2024

  • 06:20AM

Xasan iyo Laftagareen oo ka badbaadey in ay gacanta bidix isku-salaamaan

Dowladda Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed ayaa is-afgarad hoose waxay ka gaareen khilaafkii ka dhaxeeyay.

  • Maqaalo

    20-09-2024

  • 09:52AM