Beesha Caalmka oo digniin u dirtey Barlamanka Federaalka Somaliya

Image

Qaramada midoobey, midowga Africa, urur goboleedka IGAD, midowga Yurub, Ingriiska, Ethiopia, Mareykanka, Sweden iyo Italy waxay welwel wayn ka muujiyeen waqtiga badan oo ay qaadatey ansaxinta nidaamkii doorasho ee Somaliya kaasoo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid u gudbiyey Barlamanka Federaalka ah 30 April,2016.

Beesha caalamka waxaa ay dalbaneysaa in qaabka doorasho ee Somaliya si deg deg ah loo ansaxiyo iyadoo ugu yeertey hay'adaha Federaalka ee ku shaqo leh howshaan  iney ku talagalaan hirgalinta qorshahaan.

Warsaxafadeedkaan ayaa lagu sheegey in xubno ka tirsan beesha caalamka Sadex maalmood ka hor la kulmeen xubno ka tirsan xukuumada iyo Barlamanka Somaliya kuwasoo ugu yeereen in ay tageeraan heshiiskii doorasho ee Somaliya kaasoo wadagaareen Dowlada Federaalka ah iyo madaxda maamulada 12 April, 2016.

Qoraalkaan ayey ku xuseen xubnahaan in heshiiska la gaarey uu ahaa mid ay wada aqableen Madaxweyne Xasan Shiikh, Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid, madaxda maamulada Somaliya, Gudoomiyaha Barlamanka Maxamad Shiikh Cisman Jawaari iyo xitaa xubno ka tirsan xildhibaanada aqalka golaha shacabka.

" Waxaa heshiis guud laga gaarey sameynta aqalka sare ee   Barlamanka, in dumarka la siiyo 30% xubnaha Barlamanka, waxaan dalbaneynaa in si deg deg loo ansixiyo heshiiskaan madaama ay soo dhowdahay booqashada xubnaha aqalka amaanka ee Qaramada midoobey ku imaan lahaayeen Somalia," sidaas waxaa lagu yiri warsaxfdeed kasoo baxay xubnaha beesha caalamka.

"Mustaqablka siyaasdeed ee Somaliya waxaa uu ahaanayaa mid xaniban inta laga ansaxinayo qaabkaan doorasho ee Somaliya." Sidaas waxaa yiri ergeyga Qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Michael Keating. " Waa muhiim in tani dhacdo si loo ogolaado in xukunka si sharci ah u kala wareego sanadkaan dabayaqadiisa. Hadii lagu guuldareysto tani waxay fariin xun u direysaa aduunka iyo malaayiinta Somali ah ee rabta iney arkaan in nidaamkaan u gudbiyo Hal qof Hal cod doorashooyinka la rabo in la qabto 2020." Beesha caalamka waxaa ay diyaar u tahay iney tageerto qaabka doorasho ee Somaliya 2016.

Hadalka beesha caalmaka ayaa imaanaya xilli ay soo baxeen warar sheegaya in guddi Barlamanka Federaalka u saarey dib eegis lagu sameeyo heshiiskii doorasho ee Somaliya damacsan yihiin in qodobo ka badalaan nidamkaas.

Dowlada Puntland ayaa walaac ka muujisay isbadal lagu sameeyo heshiiskaan iyadoo mas'uuliyada cawaaqib xumada ka dhalata dusha uga tuurtey Barlamanka Federaalka Somaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Axmed Madoobe oo Kismaayo dib ugu laabtay

Markii uu tagey Nairobi, waxaa soo baxayay warar ku saabsan inuusan Axmed Madoobe dalka kusoo laaban karin, iyadoo hadda soo laabtay.

  • Soomaliya

    02-02-2025

  • 12:58PM

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM